Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya qaybtii 9aad

Wada-hadalka Somaliland iyo Soomaaliya

qaybtii 9aad

                                                                   Feb 2020

 

 

(Waa wax lala yaabo,marka aad la kulanto Soomaali,Shir wada fadhida oo loo kala tarjumay.,(ma aha dhalinyarada  qurbaha ku dhalatay)

Luqadda:-

Qaybtan waxaan jecelahay in aan si kooban wax uga idhaahdo Luqadaha(Afafka),Somaliland iyo Soomaaliya ku wada hadlaan,marka ay isugu yimaadaan Shirarka.

Guud ahaan Soomaalidu waa dad isku asal ah—isku Diin ah–isku Af ah—isku dhaqan ah.Soomaalidu waxay leedahay Af(Luqada) ay ka buuxdo Sugaan kala duwana,sida Gabayada—Heesaha-Maahmaahyada iwm.Soomaalida waxaa  dhaqan u ah,marka ay wada hadlayso,wax kastan oo ay ka wada hadlayso in ay isugu hal qabsato amase tixraac ka dhigato Suugaanta balaadhan ee Afsoomaaligu leeyahay,waa siyaabaha ugu fudud ee Soomaalidu wax isu fahansiiso.

 

 

 

 

 

Shirarkii ilaa hadda dhex maray  Somaliland iyo Soomaaliya ee ku saabsan wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya dhamaan waxa lagu qabtay :-

Meel ka baxsan inta Afsoomaaliga ku hadasha.Waxaa goobjooge yaal ka ah,dad u dhashay Wadamada Shirarka marti gelinaya, iyo qaar kaleba.Waxaa lagu wada hadlaa Afaf kale oo kala duwan oo aan wax xidhiidh dhow iyo mid fog toona la lahayn Afka Soomaaliga.

 

Hadal iyo dhamaan  aad iyo aad ayey muhiim u tahay,Luqada amase Afka ay ku wada hadlayaan Somaliland iyo Soomaaliya,waana qayb ka mid ah I fahanka iyo iyo isu soo dhowaanshaha labada dhinac.

Waan hubaa ,way adag tahay, heshiis fiican in uu dhex maro Somaliland iyo Soomaaliya inta ay ku wada hadlayaan Afaf kale oo aan ahayn ka ay wadaagaan -Somali.

 

 

ALLAA. M A H A D    L E H

 

 

 

Amb. Abdi M.Saleiman(Mingiste)

 abdi_saleiman@hotmail.com

 fb. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1

 —- la soco qaybt 10 aad ( maxaa laga wada hadlayaa)

Advertisement

Ku Xayeysiiso