Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa, ayaa ku dhawaaqay in muwaadiniinta u dhalatay dalkaas ee kus ugan Magaalada Wuhan ee dalka shiinaha gebi ahaan uu kala soo baxayo.
Shir ay yeesheen Golaha Wasiirada Koonfur Afrika oo uu shir guddoomiyey ayuu amar waxaa uu ku bixiyey in muwaadiniinta Koonfur Afrikanka ah ee ku nool Magaalada Wuhan dib logu soo celiyo dalkooda sababo la xiriira Cudurka Dilaaga ah ee Coronavirus ka.
Go’aan kasoo baxay Madaxweynaha Dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ka dambeeyey,kadib markii Cabasho ka timid Qoysaska Koonfur Afrikan-ka oo dalbaday in Shaqaalaha ama Eheladooda ku sugan dalka Shiinaha la soo daadgureeyo.
Cudurka Coronavirus oo markii hore ka bilaawdey dalka Shiinaha aya aku fidey wadamo badan,waxaana wadamadaas ay wadaan dadaalo ku aadan in laga hortago faafida cudurkaas.