Saddex iyo Soddon askari oo Turki ah oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Idlib

Ugu yaraan 33 askari oo ka tirsan ciidammada Turkiga ayaa lagu dilay duqeyn dhanka cirka ah oo ay gaysteen ciidammada maamulka Suuriya taas ka dhacday waqooyiga galbeed ee Suuriya sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Turkida.

Dhawr askari oo kale ayuu dhaawac culus ka soo gaadhay weerrarkaas ka dhacay gobolka Idlib sida uu barasaabka gobolka Hatay ee waddanka Turkiga, Rahmi Dogan, warbaahinta u xaqiijiyay. Waxaa jira warar kale oo tirada dhimashada intaas ka badinaya.

Madaxweynaha Turkiga ayaa weerrarkan kadib waxa uu qabtay shir ammaan oo heersare ah.

Ciidammada Suuriya oo uu badhitaarayo Ruushka ayaa waxa ay iskudayayaan inay fallaagada ay taageeraan ciidammada Turkiga dib uga qabsadaan gobolka Idlib.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa doonaya in ciidammada Suuriya ay ka durkaan goobaha ay saldhigyada ka sameysteen milateriga dalkiisa. Waxa uu ku goodiyay inuu weerrari doono ciidammada dowladda Suuriya haddii aanay joojin ruqaansiga ay soo wadaan.

Hasayeeshee dowladaha Suuriya iyo Ruushka ayaa diiday dalbkaasi ah inay dib ugu gurtaan goobaha la kala joogay waqtigii xabbad joojinta 2018. Ruushka ayaa waxa uu Turkiga ku eedeeyay inuu ku xadgudbay heshiiskii xabbad joojinta 2018 maadaama uu fallaagada ku taageeray madaafiic.

Hay’adda ka shaqeysa xuquuqul insaanka Suuriya ee uu fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ugu yaraan 34 askari oo Turki ah lagu dilay weerarkii cirka ee habeenkii Khamiista dhacay.

Ciidammada dhaawacmay ayaa waxaa dib loogu celiyay dalka Turkiga si halkaas loogu dabiibo, ayuu yidhi Mr Dogan.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso