Maraykanka oo shaaciyay inuu joojinayo duullimaadyada uga yimaada Dalalka Yurub sababo la xidhiidha Caabuqa Corona

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa si toos ah u shaaciyay in Dawladdiisu ay joojinayso duullimaadyada iyo isu socodka uga yimaada dalalka Yurub sababo la xiriira caabuqa dunida oo dhan ku faafay ee Coroona.

Wuxuu tilmaamay in Viruska Coroona uu gudaha Maraykanka ay dad badan u dhinteen kuwo kalena uu haleelay waliba iyagoo guryahooda iska jooga, isagoo caddeeyey in tallaabadan ay ku doonayaan inay kaga hor tagaan faafitaanka caabuqa Coroon.

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump wuxuu tilmaamay in xayiraadaasi ay dhaqan gelayso jimcaha beri ah isla markaana ay socon doonto muddo 30 cisho maadaama duulimaada ka yimaada Yurub ee soo aada maraykanka ay aad u badan yihiin ayna muhiim tahay in laga hor tago caabuqa Coroona sidaas ayuu ku sheegay khudbad uu si toos ah uga jeediyay warbaahinta.

Advertisement

Ku Xayeysiiso