Dadweynaha Magaalada Rabaso iyo Maamulayaasha Waaxda Waxbarashada Qabaleyga Rabaso Oo Mahad Celinaya Dhalinyarada Qurbajoogta Ah Ee U Dhalatay Degmada Daroor Gaar Ahaan Magaalada Rabaso

Waxan u mahad celinaya Dhalinyarada Qurbajoogta ah ee u dhalatay degmada Daroor gaar ahaan Magaalada Rabaso.

Oo runtii deeq badan soo gaadhsiiyay dugsigii ay ka baxeen ee Bilaal primary and intermediate School ee centerka Rabaso.

Waana deeq runtii dugsigu baahi wayn u qabay oo aan rajaynayo inay wax badan ka badali doonto.
Runtii dhalinyaro is xilqaantay oo og baahida wayn ee taala dugsiyadii ay ka baxeeen
Waxan rajaynayaa in intan iyo in kabadan ay soo gaadhsiin doonaan dugsiyada mustaqablka danbena.

Agabakan oo ahaa mid ka kooban:-
1.Printer and copy
2.Laptop
3. Dirays kubada cagta oo dhamaystiran
4.sameecad wayn
5.Microfoono
Iyo agabyo kale.

Waxan dhalinta kale ee degmada u dhalatayna u rajaynayaa inay ku daydaan oo ay wax ka qabtaan baahiyaha dhankastaba ah ee ku gadaaman dugsiyada waxbarashada iyo baahiyaha kale ee bulshadooda.

Xigasho: Xildhibaan Nadir Yusuf

Advertisement

Ku Xayeysiiso