Intii xukuumadan talada haysa ee Soomaaliya la doortay wax waa baa la qabtay, wax badan waa laga gaabiyey, waxna waaba looga sii daray. Haddaba waxaan saaka qalinka u qaatay inaan labada qodob ee kala ah “ciidan xooggan & dayn cafin” faa’iidada ugu jirta ama ugu jiri karta ummadda Soomaaliyeed, iyo in khasaare ka dhalan karo wixii karaankayga ah inaan ka faalloodo,
1) Ciidan xooggan: Ciidammada amniga suga gudo iyo dibadba waa tiir ka mid tiirarka dawladnimadu ku taagan tahay, khaasatan dawladahan casriga ah ee maanta dunida ka jira. Dadka wax ka qora nidaamyada dawladda waxay ku micneeyaan waxaa ka mid ah “dawladi waa inay leedahay awoodda muquuninta oo sharciga ah”. Taasoo ka dhigaysa in dawlladdu sharci ahaan ka xoog badan tahay cid kasta (dalka gudihiisa) fulinna karto dhammaan sharciyadeeda waddanka oo dhan gees-ka-gees. Waxa kaloo muhiim ah in awooddaasi sharci tahay, dadkuna aqonsan yihiin kuna raalli yihiin. Sidaa daraadeed waddanku waa inuu yeesho ciidan xooggan oo “sharciga fuliya” markii iyo meeshii looga baahdo. Halkan waxa kale oo aynu ka fahmi karnaa si ciidan u shaqeeyo waa inuu jiraa sharci iyo hay’ado ilaaliya sharciga oo dadka u dhex ah oo dalkaasi leeyahay oo la isla ogolyahay sidaa daraaddeed dadku ku aqbalayaan in ciidanku yahay ciidankoodii oo ay ugu dulqaadanayaan awoodaha ay xoogga ku fulinayaan.
Sharcigaas hagaya marna xakamaynaya ciidanka iyo hay’adaha fulintu waa in xukuumaddu ku qancisaa dadkeeda, kala tashataa dabadeedna kalsoonida dadkeeda sidaa ku hanataa, khaasatan waddama colaaduhu ragaadiyeen oo kalsoonida dadka dhaawacu soo gaadhay. Marka xukuumaddu intaas ku guulaysato ciidammadu waxay noqdaan aalad wax tar u leh ummadaha oo horumaraka qayb ka noqota.
Ciidanka xooggan khasaare, burbur iyo dibudhac qayb ma ka nqoqn karaa? Haa wuu ka noqon karaa haddii aan dadku ku kalsoonayn, ama awooddoodii muquuninta ay si khaldan u adeegsadaan, ama aanu u hoggaansamin shuruucdii xakamayn lahayd adeegsiga awooddooda, ama madaxda xukuumaddu iyo masuuliiinta ciidamaddu danahooda gaarka ah u adeegsadaan kuna beegsadaan qaybo ka mid ah dadkii iyagu ciidankaas ku seexan lahaa.
Tusaalaha ciidan wax qabtay iyo mid wax burburiyeyba waxaa tusaale inoogu filan ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed muddadii xukuumaddii kacaanka. Bilowgii toddobaatanaadkii ciidanku wuxuu qayb libaax ka qaatay kordhinta wax soosaarka dalka, badbaadinta iyo samotobixinta dadkii ku xoolo beelay masiibooyinkii abaaraha iyo duufaaanaha ee ka dhacay qaybo ka mid ah dalka, ololihii qorista farta Soomaaliga, mashaariicidii degdegga ahayd iwm. Waxay kaloo ka qayb qaateen xoraynta waddamo Afrikaana oo xilligaa gumayste haystay , iyo sidoo kale isku daygii dib-u-xoraynta Soomaali-Galbeed. Waqtiyadaas ciidanku wuxuu ahaan jirey astaan la wada majeerto oo lagu wada dhaato oo da’yartu ku wada hamido.
Waxa xigey in ciidankii qayb ka mid ahi oo wax saluugsani horseed ka noqdaan inay cadowgii ummadda Soomaaliyeed ay ku soo hoggaamiyaan qaybna ka noqdaan inay burburiyaan waddankii ay dhiseen dhiiggoodana u hureen. Waxa kale oo dhacday in madaxdii dalku ay iyana ciidankii qaranka u adeegsadaan inay qaybo ka mid ah ummaddoodii ku cabbudhiyaan, dadkii baro kiciyaan magaalooyinkiina ay dumiyaan. Sidoo kale waxa dhacday in qayb ka mid ah ciidankii ay dhac, boob, jidgooyo ay shaqo ka dhigtaan iyagoo ujeeddadoodu tahay inay ciidanka wejigiisa xumeeyaan si shacabku uga hor yimaaddo xukuumadda. Waxa kale oo dhacday in aakhirkii ciidankii qabaa’iladii ku kala biiro qaar dawladda isxejinaya iyo qaar ka soo horjeeda sidaasna sababtay inaynu soo gaadhno meesha foosha xun ee aynu maanta joogno.
2) Deyn cafinta: Dayn cafintu waa arrin muhiimad u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed, iyo dhammaan waddammada fakhriga ah, khaasatan waddamada dagaalladu ragaadiyeen adduunkuna ka aammin ka baxay. Dayn cafintu waxay kaloo muhiim u tahay waxay sahlaysaa in dalkaaga deeqo hurumarineed iyo mashaariic waaweyn laga fulin karo. Iyo sidoo kale in maalgashi caalami ah aad fursad u heli karto, sidoo kale ganacsatadaadu ay la macaamili karaan bankiyada adduunka si ay u helaan caymis, maalgashi iyo damaanado shaqayn kara iwm.
Khasaare ma horseedi kartaa deyn cafintu? Haa, way keeni kartaa haddii si khaldan loo adeegsado fursdaha ka dhalan kara dayn cafintaas. Tusaale ahaan haddii lacagaha maalgashiga loogu talo galay ay ku dhacdo gacmo gurracan. Tusaale ahaan haddii shirkado maalgashi ah ay la heshiiyaan madaxda qaar ka mid ah oo ay wax kala qaybsadaan si qarsoodi ah. Haddii saaxiibbo gaar ah lagu naasnuujiyo fursadaha maalgashiga. Haddii deeqaha iyo mashaariicda horumarinta si aan sinnayn loo maamulo oo degaanno gaara iyo dad gaara la gacan-bidixeeyo. Haddii shirkado shisheeye ama sokeeye loo xidho si xaqdarro ah hanti ummadda u dhex ahayd sida ilo dhaqaale iwm.
Hadday dhacdo in si khaldan loo maamulo fursadaha ay deyn cafintu abuurto, waxa dhacaysa in tabashada ka dhalataa ummadda dhexdeeda ay muddo dheer qaadato in dib la isu aammino. Waxa kale oo suurto gal ah in dadka sida khaldan uga macaasha fursadahaas oo ku xoogaysta inay adkaato inay aqbalaan in xasilooni iyo xaqsoor la helo, maxaa yeelay waxa iyaga u muuqanaya in xaqsoorka iyo xasiloonida ay iyaga ka gudhinayso naas u irmaanaa. Arrintan qolada tabashada qabta ee aamminsan in xaqoodii la dhaafiyey oo dad gaar ahi ka faa’iidaysteen iyo qolada xaqdarrada iyo sed-bursiga ka faa’iidday oo aan ogolayn in cadaalad iyo xasilooni dhatalo iyana tusaalaheeda meel fog laga raadin maayo, waxaa kaaga filan Soomaaliya (hadda iyo ka horba).
MUGDI:-
Aniga weli iima cadda in dayntii la inaga dhaafay ama la inaga dhaafayo 100% iyadoo aan wax xoolo ah laynaga rabin inaynu bixinno. Waxa kale oo aanan ku qancin hadalkii wasiir Beyle ee ahaa “…idinku ma fahmaysaan…” mar uu ka hadlayey wax uu ugu yeedhay “financial bridging”. Waxa kaloo hadalkiisa nuxurkiisa ka mid ahaa; UK iyo Norway ayaa ina badhi-taaraya oo wax inaga bixinaya, dabadeedna iyaga ayaynu waxay inaga biaxiyaan dib u siinaynaa. Waxaa ay inaga bixinayaan inta ay tiradeedu leegtahay weli wasiirku inooma caddayn. Sidoo kale waxa aynu dib u siinaynu inay dulsaar leedahay iyo in kale iyo muddada lagu bixinayo toonna iyana inoomuu caddayn!
Waxaanan kaloo ku qancin hadal RW Khayre yidhi oo ahaa “madaxdiinna ku kalsoonaada!” Kalsoonidu maaha wax la is faro ama la iska baryo ee waa wax la kasbado. Waxaa khasab ah madaxdii baahiyaha ummadda ka jawaabta, si xaq ahna ugu maamusha hantidooda, garaadka ummaddoodana ixtiraamta inay helayaan kalsoonida ummadooda oo dhab ah, iyadoon cidna la abaabulin laguna laaluushin.
Gebagebadii:
Ciidan xoog leh, iyo dayn cafin ay maalgelin iyo deeqo daba socdaan sidooda keliya faa’iido uma aha. Labaduba waxay noqon karaan inkaaro iyo aafaad horseeda dhibaato hor leh haddii aan si fiican oo sharci ah, cadaalad ah, taxadar leh oo garasho iyo damqasho hagayso aan loo maarayn. Barwaaqo iyo badhaadhe waxay horseedi karaan marka si hufan oo sharci ah xaqsoor iyo tudhid ummadeed iyo iimaan hagayo loo maareeyo.
W/Q: Mohamoud Ibrahim (Xaaji
Email: dalmarbilaal@gmail.com