Ma ogatahay in haydaha deeq bixiyaasha ah doododu ahayid markasta dalkeena intaan deeqo la siin— marka hore jeebkeena daloola la talo? Maxay taasi u la jeedeen? Cadaymaha ay u hayaan maxay tahay?
Taasi waxaa marar badan ka hadlay ergayddii (Successive UN envoys to Somaliland and Somalia) ee UN ta. Kuwaasi oo ay hawlaha ay dalkeen ka qabto ka mid ahayid: inay kobciso kobaca dhaqaalaheena, maamul wanaaga, tayaynta haydaha Dawliga ah, Ku dhaqanka sharciga iyo siyaasada loo dhan yahay (inclusive politics).
Waxaa xaqiiqo ahayid in dalkeena lagu tilmaamay in kobaca dhaqaalaha dadkii keeni lahaa ama aqoonteeda u lahaa aan shaqadoodii loo dirin. Dabcana dhaqaale badan iyo shaqo abuurid la hirgalin lahaa oo dadkeena ka saari lahaa fakhriga adag (to lift them up from extreme poverty)ayna surto gal u ahayn. Taasi waxay horseeday in haydaha deeq bixiyaasha lagula talin jiray mashaaricda ay dalkeena ka hirgaliyaan ay u badnaato— CAPACITY BUILDING PROJECTS. Taasi oo ah intaynaan lacag Ina siinin CAQLIGEENA IYO JEEBADAHEENA TOLAAN. Aqoon yahanka Somaliland ee aan ka mid ahaa way hogatusaaleeyen dawladdii — Axmed Silaanyo ee ku suntanayd horumarka in arinkaasi waxa laga qabto— waxay curisay fariimihii aanu diri jiray — Barnaamishka — Somaliland National Development periorities. Taasi oo ah in haydiihii dhamaan soo qaadan jiray — CAPACITY BUILDING PROJECTS, in aanay dalka fikirkaasi la iman karin ilaa haydaha ay khusayso ay soo maraan si ay uga turjumaaan baahida barnaamishka(barnaamijka) horumarinta qaranka.
Hadaba maanta waxaa jirta in aqoontii oo aynaan halkii dalka ay wax kaga tari layid aynaan u cugan ay cashuur badan oo dalka soo gali lahayid baaqato— hayaddiihii oo aan aqoontii (lacking effective capacity) loo baahnaa lahayn.
Waxaa ii cadaatay baadhitaano aan ku sameeyey dhaqalaha dalka in Wasaarada Maaliyada iyo Bangiga Dhex aqoon daro darteed ay ku baaqatay dhaqaale ilaa $1 billon doolar oo dalka soo gali lahaa labadii sano ee u dambaysay. Cashuurta gadiidka oo kaliya dalka waxaa kaga baaqata ilaa $10 milyon oo doolar sanadkii iyo ganacsatada iyo ganacsiga waawayn iyo kuwa yar yar oo ay ku baaqato ilaa $500 milyon oo doolar sanadkii.
Bangiga Dhexe ayaa isna aqoon daro ku saabsan — Mareynta Lacagta iyo Dhaqaalaha dalku ku waayay lacag ilaa $500 milyan labadii sano ee ugu dambaysay — taa waxaa ka markhaatiya kaash yaraanta dhaqaalaha dalkeena ka jirta (not enough cash in the economy)
Marku arinkeenu halkaa marayo miyaan gar u lahayn deeq bixiyaashu markaynu dhaqaale waydiiso inay markasta ku taliyaan— waar hantol caqligiina ama jeebadihiina dal daloola, markaanu taa ku qanacno dhaqaale hanu idin siino.
Gabagabada ayaa ah in biyo sacabadaada lagaga dhargo markaad isku tashato ee khayraadka dalkaaga (resources) aad Sida saxa ah aad u isticmaasho baahidada Waad dabooli kartaa— aqoonyahanka Somaliland ayaa markasta fariintiisa u gudbiyo dawlada markaa jirta— taasi waxay horseedayasaa in dalka dhaqaalihiisu koro iyo inay shaqo laantu yaarato.
Waa Qalinkii, Axmed Cabdi Ciise
Social Scientist