Masaajidada Aljeeriya waxay wiigagii u danbeeyey laha aqrinaayey Qur’aanka sida loo duceysto masiibodan aduunyadii hawaarsatey ee covid 19
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ayaa lagu yiri “iyada oo laga jawaabayo codsiyo deg deg ah oo ay muwaadiniintu weydiisteen dowlada in masaajidu akhriyaan Qur’aanka Kariimka ah iyada oo loo adeegsanayo cod baahiyeyaasha masaajidyadaku xidhan,
waxaan amarro ku soo qaadaynaa imaamyada inay ku baahiyaan duubista Qur’aanka Kariimka masaajidyada saacad badh ka hor salaadda duhur.”
Mas’uuliyiinta Algeria ayaa fariimo ku baahinta Idaacadda Quraanka Kariimka ah ee loo yaqaan ‘Noble Qur’ in lagu sii daayo cod-baahiyayaasha masaajidyada, toddobaadyo kadib go’aankii lagu joojiyay salaadaa jimcaa Jimcaha, taas oo qayb ka ah tallaabooyinka looga hortagayo viruska Corona.