Talooyin ku socda guddiga ka hortaga cudurka coronavirus ee jamhuuriyada soomaaliland A /laahi Ali

marka hore salaan sare togaherer iyo akhyaarta ku taxan

waxan maqaal kooban kaga hadli doonaa talooyin ku aadan cudurka coronavirus.

Sida aynu ogsoonahay waxa Somaliland laga xaqiijayay ( first two cases) laba kays oo qaba cudurka halista ah ee looyaqaan coronavirus 31 mach 2020, taasi waxa ay ina tusaysaa maadaama qarankani ay adagtahay waxa uu ka qaban karo hadii uu dad badan soo rito, waxa aynu u baahan nahay in xoogga la saaro sidii looga hortegi lahaa. Cudurkan waxa uu  ka mid yahay cudurada ku fida hawada ( airborne diseases) sidaa daradeed way adagt tahay sida loo xakameeyaa laakiin waxa u baahan nahay inaan muujino taxadir dheeri ah. Hadaba waxa ay ila tahay aniga in la fuliyo qobadan hoose oo wax ka qaban kara ka hortaga cudurka coronavirus.

Waa in gudigan qaran ee la magacaabay lagu xoojiyaa ugu yaraan 10 ka dhakhtar ee ugu khibrada dheer  Somaliland si ay bixiyaan talaabooyinka la qaadayoWaa in  dadku marka masaajidka imanayaan qofkastaa soo qaato cumaamadiisa ama gu’iisa kuna duubaa afka iyo sanka inta salada lagu jiroWaa la joojiyaa isku socodka dadka (passagers) ee gobollada iyo degmooyinka marka laga reebo waxyaabaha daruuriga ahWaa in la joojiyo gaadiidka basaska ee dadweynhu raacaan gudaha magaalooyinka waaweynWaa in  goobaha dadweynuhu cuntada ka cunaan uga dhigaan safaari si qofkasta u qaato waxa uu doonayo si looga hortago isku soo ururka  iyo wada fadhiga mududa dheer.Goobaha sariimadaha  laga adeeganayo waa in laga diido in alaabada lagu taataabto faraha marka la iibsnayo.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso