Daawo: ” Hadii Xilka Lagaa qaadaayo Baarlamaanka Deegaanka Somalida iyo Xubnaha Filinta PP idiinku Matala Ayey u taalaa” Raisal Wasaaraha Ethiopia Abey oo Jawaab Siinaayey Madaxweyne Mustafe Cagjar Shirkii Maanta

Shirkii Maanta  ee PP intii lagu jirey ayeey dood yari dhaxmartey Raisal Wasaaraha Dawlada Federalka Ethiopia Md Abiy Ahmed  iyo Madaxweyne Kuxigeenka  Ahna Ku simaha Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Somalida md Mustafe Cumar.


Md Mustafe Cagjar ayaa Waydiiyey Raisal wasaaraha :  Dowlada federal-ku hanaga dayso Faragalinta ay nagu hayso, hanaloola dhaqanto sida deegaanka Oromia oo kale oo sharciga ha ilaaliso dowlada federal-ku.

 

Raisal Wasaaraha Dawlada Federalka Ethiopia Md Abiy Ahmed:  Nala wadaag cidda federal-ka joogta ee lacagta idinka qaadata aan idinka qabanee, Annaga waxba nooma haysid ee deegaanka Soomaalida ayaad wax u haysaa, haddii xilka lagaa qaadaayo  Baarlamaanka deegaanka Soomaalida iyo xubnaha gudiga fulinta PP idiinku matala ayey utaala Arintaasi.

Waa Suaashii Ugu Xasaasisanayd ee ay is waydaarsadeen Labada Masuul.

Advertisement

Ku Xayeysiiso