BARO CADAWAGA
DADKA IYO DALKA SOOMAALILAND
Dr. Cabdiraxmaan Macalin
“Baadiyow”
Bahda Mareegaha Farshaxan
April 11, 2020
Aragtidiisa ku aadan kooxda .5 (Point 5)
Aragtidaasi waxay ka aassaasantay shirkii Carta ee lagu soo dhisey dawladii Carta ee Soomaaliya. Dawladaasi sida la wada ogsoon yahay waxaa loo dhisay dalka Soomaaliya (Italian Somalia-), shaqana kumay laheyn afarta kale ee Soomaaliyeed (Somaliland, Jibuuti, Dawlad Degaanka Soomaaliyeed ee Itoobiya, iyo Degaanka Soomaaliyeed ee NFD ee reer Kiiniya.
Shirkani waxaa loogu magacdarey Shirkii Nabadeynta Qaran ee Soomaaliya, mararka qaarkoodna lagu tilmaamo Shirki Jabuuti. Shirkaasi wuxu ku bilaabmey shrar dhawr ah oo lagu magaalada Carta ee dalka Jabuuti mudadii u dhaxeysay Abril 20 ilaa May 5 ee gu’gii 2000.Shirkaasi waxaa lagu dhameystirey hab-dhaqanka dawladnimada lagu soo dhisi doono,launa magacaabey Bayaankii Carta.
Dr.Cabraxmaan Baadiyow wuxuu joogay dalka Jabuuti muddo ku dhaw ilaa 9 bilood si uu u hirgalo shirkii Carta ee dawladaa Soomaaliya lagu soo dhisay. Wuxuuna ka mid ahaa xuibnaha loo xilsaarey wax ka dhisida habka lagu galayo shirka iyo siduu u jaanqaadayo.
Kooxdaa uu ka mid ahaa ayaa soo jeediyey aragtida ah in reer dhan oo ka mid ah reeraha degaan ahaan ka soo jeeda Soomaaliya lagu tilmaamo erayga .5 (point 5). Waxay muuj9neysaa aragtidani inaaney reerahani aheyn dhameystir u istaai kara xaq iyo xuquur dhan sida reeraha kale.
Aqoonta gaaban ee uu u leeyahay reeraha uu ku tilmaamey .5 (point 5) iyo halgankoogii xornimdoonka ahaa ayaa keensatey. Dr. Cadiqaadir Boolaay (IHUN) oo ka mid dadka lagula Kacey gefkaa taariikheed ayaa wareysi aanu ka qaadney ku tilmaamey inuu shirkii Carta ahaa ayaandaro iyo dhib kale oo u soo hoyatey Soomaaliya, siina kordhisay burburkii iyo kala daadsanaantii ay ku jirtey marka horeba Soomaaliya (Italian Somalia).
Dawladii lagu dhisay Carta ayaa sidoo kale waxaa kaloo QM looga codsaday inay Soomaaliya u soo dirto ciidamo nabad ilaalineed oo caalami ah kuwaasoo xasiliya dalka, waxaana la codsaday inay ciidamadaasi ka yimaadaan “wadamada saaxiibka la ah Soomaaliya” oo aysan ku jirin wadamada deriska la ah Soomaaliya. Sida la wada ogsoon yahay Hal xaaraan ahi ma dhasho nirig ah oo may hanoqaadin dawladaasi uu Dr.Cabdriqaadir Baadiyow ka mid ahaa xubnaha dhisideeda qayb libaax ka qaatey sida uu wareysiyo dhawr ah ku sheegay….Waxaana markiiba ka hor yimid golihii Dib u-heshiisiinta iyo dib usoo nooleynta Soomaaliya (SRRC) ooiyagu isku arkayey inay taladu iyaga ka go’do aan golahana la soo fadhiisin.
Dr.Cabdiqaadir oo u hanwaynaa dhisitaanka dawladahaasi lagu soo dhisey Carta iyo Mbigathi ayaa 2016 ku tilmaamey inaaney aheyn mid loo baahnaa. Markii la waydiiyey sabbata keentay inuu isku soo sharaxo madaxweynaha Soomaaliya gu’gii wuxuu ku jawaabey weedh u dhigneyd markii dawladihii Carta iyo Imbagaati ay waxba la’aan noqdeen ayaan is idhi bal adiu hogaami. Qofka caqligiisu adeegsanayaa wuu garanayaa inaaney dhisneyn dawlad lau soo dhisey xaqdaro ummadeed oo salka loogu taagey xeerka 4.5. markaa guusha uu ka filayey maxay aheyd? Ma reereed baa? Ma mid dan gaar ahaaneed hageysay baa?
Waxaanu Dr.Cabdiraxmaan Baadiyow ku sheegay buuggiisa “ “ inay arintani dawlad ku qaybsiga 4.5 aheyd xalka qudha ee furnaa :
Bogga 68aad.
Tixraac:
1- https://amisom-au.org/so/about-somalia/somali-peace-process/
2- Recovering the Somali State: The Role of Islam, Islamism and Transitional…
By Abdurahman Abdullahi Baadiyow.
Aragtidiisa ku aadan reer Puntland:
Kol haddii uu ka soo jeedo degaan colaad badan ka dhaxeyso muddo dheer degaanka reer Puntlad waa la garan karaa aragtidiisa ku aadan reer Puntland. Hase yeeshee waxaa mudan in la eego inuu aaminson yahay in Somalia(Soomaaliya) ay ku talaabsan doonto aragtida ay marba qaataan reer Puntland.
Waxaanu tusaale u soo qaadanayaa in dhisitaankii xisbigii ugu horeeyey ee Soomaaliya ee SYL ay iyagu dhiseen, sidoo kalena ay dawlad federalism ah oo ku salaysan qabiil ay iyagu dhiseen .Labada jeer dadka ka so jeeda dalka Soomaaliya ay raaceen aragtidaasi ay la yimaadeen reer Puntland.
Tixraac:
1- https://www.youtube.com/watch?v=uwyG_AtUydI ka bilow daqiiqada 1:00
Aragtida uu ka qabo
dadka iyo dalka Soomaaliland
“ Inyar oo ka mid ah taariikhda Dr Baadiyow iyo halka uu ka taagnaa Somaliland walina uu ka Taagan yahay. Somaliland gooni isu taageeda waxaa ka danbeeyay cadowga umada Somaaliyeed ee yuhuuda iyo itoobiya ayuu ku dooday Dr Baadiyow. Wuxuu ahaa ninkii ku saxeexnaa bayaankii ugu horeeyay ee lagu dedefaynayo laguna canbaaraynayo madax bannaanida Somaliland sanadkii 1991 kii. Ilaa maalintaas waxa uu safka hore kaga jiray kooxaha iska xilsaaray la dirirka iyo collaadinta Somaliland meelkasta oo ay Joogaan.Maxaa laga filan markaas ee wanaag ah iyado taarikhdaadu sidaa tahay” Cabdilaahi Daahir
Meelo badan oo uu ka Hadley wuxuu had iyo jeer isku tilmaamaa aqoonyahan aad ugu xeeldheer taariikhda Soomaaliya. Waxaa hadaba doodu tahay Soomaaliyada uu aqoonta u leeyahay halkeey ka soo gashey Somaliland. Waa gef ay reer Soomaaliya (Italian Somalia) aad u galaan, markey ka waramayaan Soomaaliya (Italian Somalia) ayey moodaan inay ka hadlayaan shanta Soomaaliyeed, hase yeeshe markay gudagalaan ka warankta aqoontooda ayaa waxaa soo baxeysa inay Somaliya ke eeg yihiin. Bal aan eegno Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka waramaya taariikhda Soomaaliya isagoo u qayb qaybinaya maamul ku salaysan toban gu’le. Waxaanu yidhi sheegay sidan : ka bilow daqiiqada 14aad (https://www.youtube.com/watch?v=bc-ijSRzaqo)
Wuxuu yidhi :” Waxaan ka bilaabeynaa isbadalada ku dhacaya Soomaaliya…..intaa ka dib wuxuu sheegayaa maamuladii soo kala marey oo kala ah sidan hoos ku xardhan:
1923-1941 Talyaani 1941 -1950 Ingiriisi
1950-1960 Talyaani 2000 carta Charter
2004 Megath Charter 2019 samayntii Charter-ka ayaa loo fadhiyaa istanbuul
1954 ayaa la bilaabey dawlad
Markaad eegto shaxdaa taariikheed waxaa kuu muuqaneysaa inaanu aqoon u laheyn Somaliland iyo halgankeedii xornimeed eek u aadanaa gu’yaashi ka horeeyey lixdankii iyio kuwii ka danbeeyeyba… dhamaan taariikhahaa uu sheegay waxay ku kooban yihiin Soomaaliya …..
Halkaa waxaynu iskukla fahaney in uu aqoon u leeyahay dalkiisa Soomaaliya ee aanu aqoon u laheyn dadka iyo dalka Soomaaliland. Inta meelood eek a Hadley oo aad looga helayo mareegta Youtube, dhamaan waxaa ku cad aqoontaa ku kooban dalkiisa iyo dadkiisa oo waliba xad gudub badan uu ku sameeyo reeraha la degan eek a tirsan dalkaa Soomaaliya .
Haddaba waxaa dawlada federaalka ee Soomaaliya ay u magacawdey inuu u noqdo la taliye sare ra’iisal wasaare Kheyre 3dii Sebtember 2018. Sidoo kale ayaa Madaxweynaha Dawladaa federaalka ee Soomaaliya Farmaajo uu u magacaabey Cabdiraxmaan Baadiyow inuu xubinka noqdo guddi uu ugu magic darey Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland. Waxaanay xubnahoo dhami kala ahaayeen sidan :
Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Guddoomiyaha Guddigan, halka Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu u magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka, xubanaha kale ee Guddiga ayaa ah:
1- Xildhibaan Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil — Guddoomiye
2-Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) —– Guddoomiye Ku Xigeenka
2- Dr. Cabdiraxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyow) – xubin
3- Dr.Cali Siciid Fiqi.
4- Sarreeye Guuto Axmed Jaamac Muuse
5- Xildhibaan Cali Axmed Jaamac (Jangeli).
Gudidan markii la magacaabey waxaa la raaciyey xeerka ay raaci doonaan oo u qodobeysnaa sidan:
1. In ay hoggaamiyaan, kuna metalaan Dowladda Federaalka wadahadallada Soomaaliland.
2. In ay diyaariyaan cilmi-baaris tafaftiran oo ku saabsan dhinacyada sharciga, siyaasadda, taariikhda, dhaqan-dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee ku aaddan wadahadalladan.
3. In ay talo bixin joogta ah ka siiyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya geeddi socodka wadahadalladan.
4. In ay diyaariyaan tubta wadahadallada.
5. Guddiga waxa ay dhammeystiranayaan hannaankooda qaab dhismeed, iyaga oo awood u leh in ay qortaan khuburo iyo lataliyeyaal.
Markaad dib u eegto sooyaalka taariikheed ee xubnahan la magacaabey iyo xidhiidhka ay la leeyihiin burburkii iyo hagardaamadii loo geystey dadka iyo dalka Soomaaliland waxaa muuqanaya in aan daacad laga aheyn in laga wada hadlo arinta muhiimka ee ka dhaxeysa labada dal ee Dawlada Federaalka iyo Soomaaliya.
Marka hore waa in la isla fahmaa in wada hadalku uu ka dhexeeyo laba dal oo 1960 sabab ka qoto dheer labadooda iskugu darsamey sida uu sii xoojinayo qodobka lixaad ee heshiiskii ugu horeeyey ee lagu wada galay dalka Ingiriiska . Sidaa waa xubnaha wada hadalada u qaabilsan Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ka soo wada jeedaan dalkaa Soomaaliya, sidoo kalena xubnaha u qaabilsan wada hadalada ee Soomaalialndna ka soo wada jeedaan Soomaaliland.Waxaad arkeysaa inayna taasi meesha ka muuqan oo aan la tixgelin qodobkii aasaasiga noqonayey.
Sida kale xeerka ay ku hawlgalayaan kooxdani , qodobkiisa labaad wuxuu farayaa inay leeyihiin aqoonta taariikheed ee labada dal ee Soomaaliya iyo Somaliland. Waxaynu aad u cadeynay in qoraalkan oo ku saabsan Dr, Cabdurahmaan Baadiyow aanu aqoon u laheyn taariikhda soo jireenka ee reer Soomaaliland iyo halka ay salka ku hayso dooda reer Soomaaliland. Sidoo kale Dr Cabdiraxmaan Baadiyow oo isku dayey in uu shirkii May 18, 1991 ka dhacey Burco wax ka sheego ayaa muujiyey inaanu garan sababta keentay shirkaasi, dadka iskugu yimid shirkaasi, iyo sida ay ku gaadheen go’aan mideysan oo ay Maandeeq dib u soo celiyaan.
Go’aankaas ay ummada reer Soomalailand ku gaadheen, kuna aadanaa hayaankooga iyo hogaamintooda ummadeed ayuu ku tilmaamey in Yuhuud iyo Itoobiya laheyd. Waxaa ka sii daran mar dhawaan la waydiiyey inuu gefkaasi uu ummada dhan ka galey wuxuu ka yeelayo , wuxuu ku sii adkeystay inuu yahay mabda’ aanu waxba ka badaleyn.
Hase yeeshee Dr. Cabduraxmaan baadiyow wuxuu qorey qoraal dheer oo qardojeex ah, gef weyna ku ah dalka iyo dadka reer Soomaaliland. (Qoraala ayaa ku lifaaqan dhamaadka qoraalkan).
Sidoo kale Dr.Cabdiraxmaan Baadiyoow oo ka waramaya wada hadalada Somaliya iyo Somaliland ayaa laga hayaa markii aanu xubnaha ka mid aheyn inuu yidhi sidan:
“ waxay iila muuqataa wada hadalkaasi inaanu dhab aheyn”..
ka bilow daqiiqada 1:20 https://www.youtube.com/watch?v=zyjIdUbI4iw
Markuu uu xubnaha wada hadalada ka mid noqdeyna waxaa laga hayaa sidan: “Wada-hadallada wixii kasoo baxa aan sugno, kheyrna urajeeno. Madaxda 2da dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka. Waxaa na horyaalla waa qadiyad umadeed, waana maslaxadda ruux kasta. Si weyn ha ufikireen kuwa raba iney shaqsiyeeyaan qadiyadda”.
Dr. Cabdriaxmaan Baadiyow oo salka dooda wada hadalku aan u dhuun daloolin, hase yeeshee geed ismaris ummada u soo marsadey ayaa waydiin ku soo bandhigey bartiisa bulshada u dhigneyd sidan : “ Dadka ka soo jeeda Somaliland oo ka soo horjeeda wada-hadalka waxaan weydiinayaa, maxaad umaleysaan oo koonfurtu indinka rabtaa?
Waxaa waydiintaa ka cad inaanu garan weli yey Soomaaliland la hadleysaa. Soomaaliland lama hadleyso Koonfur ee waxay la hadleysaa Dawlada Federaalka Soomaaliya, waxaaney kala hadleysaa labada dal ee Soomaaliya iyo Soomaaliland oo isku darsamey bishii Luulyo 1,1960 oo ay hogaanka midnimadaaa ahysay Soomaaliland, iminka iyadoo Soomaaliland hogaamineysa hanka reer Soomalailand ayey dooneysaa in laga wada hadlo sidii loo kala noqon lahaa ee mid waliba dalkiisii asalka u ahaa u maamuli lahaa,si walaaltinimo ku jirtana loo wada dhaqmi lahaa iyadoo laba dal la kala yahay.
Dadka aqoon u leh Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyo eek a warceliyey waydiintaa waxaa ka mid ah aqoontyahan reer Soomaaliland ah oo ah Maxamed Daa’uud. Wuxuu Maxamed Daa’uud yidhi: “Abdurahman Abdullahi Baadiyo, Wadahadalku wuxuu daba socday shirkii London. Waxaa loo wada hadlayay Somalia iyo Somaliland. Marka horeba waa kugu ceeb, adoo aqoonyahan ah, inaad garan weydo cidda wada hadli lahayd. Ma aha ciddaasi Somaliland iyo Koonfur. Waa Somaliland iyo Somalia. Mana aha Koonfur iyo Waqooyi oo isku dal ah. Somaliland weligeed kama ay mid noqon Somalia. Wixii lixdankii lagu midoobay wuxuu ahaa Somali Republic, ama Jamhuuriyadda Somaliyeed (Shantii Somaliyeed). Miyaad diidan tahay? Maya ee sidii aad arrinkaas uga baqateen lixdankii ayaad maantana dadkayaga ugu quusinaysaan khiyaamo. Adeer maata inta Jabuuti idiin jirto, ama Ogadenia ama NFD ayay Somalilandna Somalia u jirtaa.Waa sidaase, haddaba wadahadalka halkaas ma ka bilawnaa, mise koonfur iyo waqooyi ayaynu ku meeraysannaa?”
Mar kale bal u fiirso Dr. Cabdriaxmaan Baadiyow oo u hadlaya sidii Cali Mahdi yidhi dagaalku wuxuu ka bilaabmey gobolada dhexe. Dr. Cabdriaxmaan Baadiyow ayaa isagoo ka hadlaya markii dawladii ugu horeysay ee Soomaaliya loo sameeyey ayaa yidhi sidan: “DFS waa kici la’dahay 20 sano, laga soo bilaabo 2000”.
Bal akhriste iswaydii wuxuu Dr. Cabdriaxmaan Baadiyow ku doortey gu’gaa 2000, hore waxaa u jirey dawlado kale ilaa 1991 oo ay ka mid aheyd dawladii Cali Mahdi. Waxaan ku soo koobi karnaa aragtidiisa gaaban ee ah :
1- Dawladaa Cali Mahdi ayaa hogaankeeda hayey oo ka soo jeeday qabiilka abgaal ee Hawiye. Waxaanu aaminsan yahay in qabiilka Abgaal ay yihiin budhcad ku soo duuley Xamar oo qabsadey ( ka biloow daqiiqada 6:30 https://www.youtube.com/watch?v=bc-ijSRzaqo).. Waxaanu ka waramayey buuggiisa ka yidhaa “ Recovering the Somali State by Dr Abdurahman Baadiyow”
2- 2000 waa markii ugu horeysay ee loo ogolaadey inuu xubin ka noqdo abaabulkii dawladaa Carta ee dhidibada loo taagey gu’gaas 2000. Sida aan kor ku soo sheegnay ee markaanu ku jirin gudida wada hadalada uu ugu tilmaami jirin waxba kama jiraan, markii lagu soo dareyna uu ku tilmaamyo waa loo baahan yahay in la wada hadlo….Tani waa cudurka la yidhaa “aniguun baa wax ah ee calaamadihiisu yihiin in laga arko qofka oo ku dhaqmaya dhaqanka ah – hadaan ku jirana waa arin wanaagsan, hadaanan ku jirina waa arin xun”
Xusuus:
“Waxaa la yaab leh dadka kasoo horjeeda in DFS iyo Somaliland wada hadlaan. Somaliland 30 sano ictiraaf waa keeni weysay. DFS waa kici la’dahay 20 sano, laga soo bilaabo 2000. Wada-hadallada wixii kasoo baxa aan sugno, kheyrna urajeeno. Madaxda 2da dhinac waa ku heshiiyeen wada-hadalka. Waxaa na horyaalla waa qadiyad umadeed, waana maslaxadda ruux kasta. Si weyn ha ufikireen kuwa raba iney shaqsiyeeyaan qadiyadda. Wada-hadal ayaa soo socda sida uu sheegay madaxweyne Muuse Biixi, diyaarna utahay DFS. Yaan tareenku kaa tegin ee la qabso!” ( 4/10/2020 bartiisa bulshada )- Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow
Waa kuma Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow:
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow wuxuu ku dhashay tuulada Yucley oo abihii macalin Quraan ka ahaa , muddo gaaban ka di ayey u guureen tuulada kale ee Masagabaayo oo aabihii ka furtey malcaamada. Halkaasi ayuu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ku soo barbaarey,markii danbena ku biirey madarsad uu ka furey Sh Ibraahim Maxamuud oo tuulada ka ahaa sheekha laga danbeeyo. 1967 ayuu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow dgsiga dhexe iyo sare ka bilaabey dugsigiimasaarida eek u yaaley magaalada Xamar. Xillgani ayaa ugu horeysay magaalo uu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow arko, wixii kal qabsadey wiil tuulo iyo magaalana waa siduu kuoa baxey naaneysta aan weli ka hadhin ee hab-dhaqankiisa had iyo jeer ka muuqata ahna “baadiyow”. Kolay magaalada dhaqankeega u badnaa dhaqan reer galbeed iyo wiil yar oo ku soo korey tuulo , kuna soo barbaarey dad dhaqanka diinta Islaamka xooga saara waad garan sawiran kartaa.
1971 ayuu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow dhameystay dugsigaa Masaarida kuna biirey ciidamadii xooga dalka ee Jamhuuriyadii Dimuqraadiga Soomaaliya oo uu ku jirey ilaa 1986. Intaa wixii ka danbeeyey wuxuu xilal ka soo qabtey ilaa gudoomiye ku xigeen ururka dimeed ee Islaax oo uu ilaa iminka ka jiro inkastoo la sheego markii ay u kala jabeen damu-jadiid iyo damu-qabiil , inuu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ku biirey dhinaca Damu-qabiil.
Dawladihii lag hirgeliyey Soomaaliya 1991-2000 umay suurtogelin inuu xubno ka noqdo, hase yeeshee dawladii Carta ayuu si urur bulsheed ku salaysan urur diimeedka Islaax ku soo galey, kagana mid noqdey xubnihii loo cugtey soo dejinta hab socodka iyo hab maamulka shirkaasi. Waxyaalaha ilaa iminka dusha ka saran ee godobta ah eek a raacey shirkaasina wax aka mdi ah inuu ka mid ahaa xubnihii dejiyey xeerka 4.5 si dawladnimada Soomaaliya loogu dhiso.
2012 ayuu Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow isku soo sharaxey madaxweynenimada dawlada Federaalka Soomaaliya..
Tixraac:
1- https://en.wikipedia.org/wiki/Abdirahman_Abdullahi_Baadiyow
2- https://www.youtube.com/watch?v=huCMgL83k4o
Barnaamijka waayaha ee SomaliCable
Appendix 1:
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ku hadlayey
Magaca Xarakada Islaax, una eeg sida uu dhigan in ay la qabeen aragtidaasi dadka ku jxubnaha ku jira xarakatu Isxlaax…
Appendix 2:
Baayaankii Abdiraxmaan Baadiyow oo Af Soomaali ah
Ma Israel iyo Ethiopia ayaa ka danbeeyay ku dhawaaqidii Somaliland
Waxan ku bilaabi magaca ilaahay ee naxariis guud iyo mid gaaraba u saaxibka ah
“Qabsada Xadhiga ilaahay dhamaantiin hana kala tagina”
Maalintii ay taariikhdu ahayd 17/5/1991 kuna beegnayd 3/11/1411 Hijriya, ururka dhaqdhaqaaqa gooni u goosadka ah ee hore loogu yaqaanay ururka Dhaqdhaqaaqa wadaniga soomaliyeed, ama (SNM) waxay ku dhawaaqeen inay ka gooyeen goboladii woqooyiga Somaliya inteeda kale.
Ku dhawaaqida gobolkaa gooni u goosadka ahi waxay waafaqsantahay qorshihii xumaa ee
gumaystayaashu ku kala qaybiyeen Somaalida, waxa uuna ku celinayaa wadanka siduu ahaa ka hor 1960. Magaca loo bixiyay oo Ingiriisi ahaan ah “Somaliland” waa magacii isticmaarkii ingiriisku u bixiyay qaybtaa ka mid ah dhulka Soomaalida ee uu gumaysan jiray.
Qoraalkan sare waxa lagu bilaabay bayaan uu soo saaray ururka Islaamiyiinta Somaliya oo markii danbe qaatay magaca islaax. Bayaanka waxa ku sexeexan Dr. Abdurahman M. Abdullahi (baadiyow) oo ah xubin ka tirsan gudiga wada hadalada Somaliland iyo Somalia isla markaana ah la taliye sare u ah Raiisal wasaaraha Somalia, xaga arimaha nabadaynta iyo dib u heshiisiinta
Dr. Baadiyow oo xiligaa ahaa ninka u qabilsan warbaahinta ururkaa Islaamiga ah waxa uu aad uga soo horjeedaa go’aankii shacbi waynaha reer Somaaliland ay dib ugula soo noqdeen dawladoodii ay u hureen Midnimada iyo Sharfta Dadka Soomaalida ah taasi oo ay kala kulmeen dulmi, cadaalad daro, eex, qaraabo kiil iyo xasuuq ku suntanaa nacayb dad gaara.
Bayaankan oo ku qoran Af Carabi waxa uu la hadlayaa wadamada carabta isagoo u sawiraya
go’aankaa taariikhiga ahi inuu yahay mid ay soo maleegeen wadamo shisheeye oo ay ugu badinayso kala taga wadankii la isku odhan jiray Jamuuriyadii Somalia.
Waxa uu qoraalkani sobobaynayaa in go’aanka SNM ay qaadatay uu yahay qalad qodobadan soo
socoda awgood.
1. Soomaalida wax kala duwanaansho ah oo keeni kara inay kala tagaan oo u dhexeeyaa ma jiro.
Waa shacab isku Af ah isku dhaqan ah, isku diin ah isla markaana isku saqaafad ah.
2. Inaanay jirin dhib gaar u taabatay gobolada waqooyi, ee dhibtu wada taabatay koonfur iyo
woqooyiba isla markaasna xukunkii kalidii taliska ahaa ee Siyaad Barre ay siyaasadiisu ahayd
inuu si isku mid ah u cabudhiyo dadka Soomaliyeed ee xukunkiisa kalidii taliska ah ku hoos noolaa oo dhan.
3. Waxa uu is waydiiyay in dhaqankii bahalnimda ahaa ee nidaamkii hore uu sobobay gooni isu
taaga?. Waxa uu su’aashan kaga jawaabay in burburkii uu nidaamkaasi gaystay uu wada
haleelay dhaamaan shacabka Soomalida oo dhan, burburkii magaalooyinka woqooyiga ku dhacayna uu ahaa mid ay ka sinaayeen umada soomaaliyeed oo uu ku burburinayay dhaaman
umada soomaaliyeed si isku mid ah.
4. In dhaqaale ahaan gobolada kale aanay wax dheerayn isla markaana aanu jirin sad bursi
dhaqaale oo keeni kara inay wadanka intiisa kale ka go’aan.
Waxa uu leeyahay waxan oo dhami ma ahayn sobobaha keenay gooni u goosadka. Haddaa maxay ahaayeen?
Waxa uu yidhi Sobobta dhabta ah ee keentay waxa weeyaan:
SNM waxay fulinaysay qorshe gumaysi, gumaysigaas oo shacabka Soomaalidu mudo ku dhow nus qarni la dagaalamaysay. Waana gumaysigii shanta gobol u kala qaybiyay Soomaalida- waxaana u madax ah oo arintaa kow ka ah dawaladaha Ethiopia iyo Israel. Ujeedada ka danbaysa inay sidan yeelana waa inaan laga helin Geeska Africka Soomaali midaysan oo leh awood ay isku hor taagi karaan qorshaha dhul balaadhsiga ah ee ay leeyihiin.
Ururka Islaamiyiinta Soomaalia isagoo ku taagan mabaadiida ah midnimada dadka Soomaalida ah ee isku diinta iyo isku caqiidada ah inay mid ahaadaan, waxa uu ururku arintan u arkaa:
1. In dhawaaqa ururka gooni u goosadka ah ee SNM uu ku dhawaaqay in uu gobolo dalka ka
mida uu ka gooyo inta kale ay tahay arin sharci ahaan, dhaqan ahaan iyo caqli ahaanba qalad
ah sidaad daraadeed ururku waxa uu si cad uga soo horjeedaa isla markaana daadafaynayaa
go’aankaas.
2. Ururku waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa inay “Hareereeyaan” (encircle) ururka
SNM ee gooni u goosadka ah isla markaana taariikhda ka dhalata arintan inay u xambaariyaan
iyo in ururkaa gooni u goosadka ahi uu u adeegayay danaha cadowga shacabka Soomaaliyeed iyo umada islaamku leeyihiin ee ay ugu horeeyaan Ethiopia iyo Yuhuudu (Israel).
3. Waxa aanu dhiiri galinaynaa dedaalka iyo garab istaaga ay qaar ka mida dawladaha carbeed
nagu kaalmeeyen si loo ilaaliyo midnimada dhulka iyo shacabka Soomaaliyeed, sidoo kale
waxaanu dhiiri galinaynaa garab istaaga ay dawladaha jaamacada carabtu ku bixiyeen isku
duubnaanta iyo danta wadanka.
Waxa uu ku soo gunaanaday warqadan baaqa ah Aa’yad Quraan ah waa na tan aayada quraanka ah.
Aragtidayda:
Warqadani waxa la qoray 19th May 1991, hal maalin ka dib la soo noqoshadii dawladnimadii Somaliland ka luntay 1960. Waxaana qoray xafiiska isgaadhsiinta ee ururka islaamiyiinta Soomaaliya ee Canada, waxaana warqada ku saxeexan Dr.Abdirahman Macalin Abdullahi oo loo yaqaano “Baadiyow” oo hadda ah xubin ka tirsan gudiga wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Warqadani waxay ku qorantahay luuqada carabiga sida aad link gan hoose ka arki doontaan.
file:///C:/Users/user/Desktop/Xarakat-Islaamiya-Baadiyow.pdf
Yaa lagula hadlayay warqadan?
Warqadani waxay la hadlaysay ururada Islaamiyiinta ah. Waa mawqif inta badan wadaada ictisaamku aaminsanyihiin ama kuwa ikhwaanu ba. Waxa kale oo ay la hadlaysay wadamada carabta iyo jaamacada carabta sida baaqa ka muuqata.
Sawir nooce ah ayay bixinaysaa?
Dad badan oo ku nool wadamada Muslimiinta ayaa aad u jecel arimo loo yaqaan “Conspiracy theories”. Arimahaa waxa ka mida wax kastoo dhaca inay u xambaariyaan wadanka Israel ama ururka Sahyuuniga ah ee loo yaqaan “Zionist organisation”, wadamada ay colka yihiin iyo wadamadii gumaysiga. Siyaad Barre wax kasta oo uu xumeeyo waxa uu odhan jiray waxa ka danbeeya isticmaarka.
Qoraalkani waxa uu ku sawirayaa ururkii SNM ee Soomaali oo dhan gunnimadii u dadka gumeeyay Siyaad Barre ka xoreeyay inuu u adeegayay danaha Ethiopia iyo Israel.
Waxa kale oo uu arintan masiiriga ah ee shacabka Soomaliland go’aansadeen ugu sawirayaa
wadamada carabta iyo cid wal oo arkhridaba in dadka reer Somaliland u adeegayaan wadamadan uu sheegay ee Israel iyo Ethiopia. Waana arin Soomalida dhexdeeda aad uga jirta in dadka reer
Somaliland lagu eedeeyo inay dhinaca yuhuuda u janjeedhaan si loo kala dilo iyaga iyo wadamada carbeed ee ay jaarka yihiin waana arin aad u riqiis ah isla markaana guuldaro ku dhamaatay oo aan imika cidi dhag jalaq u siinayn. Waxaad imika aragtaan in wadamadii carbeed intooda badan ay ku faanan inay Israel xulafo la yihiin, waxaana ugu danbaysay arintii Suudaan ee ay ku kulmeen Uganda Raisal Wasaaraha Israel iyo Hogaamiyaha Militariga Suudaan ee Abdilfatah Burhaan.
https://www.jpost.com/Breaking-News/Israel-Sudan-ties-on-the-agenda-for-Netanyahus-Uganda-visit-616374.
Waxa ujeedada kulanku ahaa in Suudan iyo Israel ay xidhiidh yeeshaan oo ay Israel ka
caawiso in Suudaan uu Maraykanku ka saaro liiska wadamada gacan siiya ama magan galiya
argagixisada “state sponsor of terrorism”.
Mu’aamaradaha Soomaaliland ay dad Soomali ah oo cadow ahi u maleegeen waxa ka mid ahayd waraaq ay meelahaas la wareegaan oo ay yidhaahdaan waxa Israel u diray Madaxwaynihii labaad ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal AHN.
Bayaankan ururka Islaamiyiinta waxa ku buuxa been, majara habaabin iyo ideology khaldan kaasi oo in badan oo Soomaali ahi ay ku hongoobeen. Arimaha Soomaalidu iska dhaadhicisay waxa ka mida in Jamuuriyadii Soomaalida ay Ethiopia dumisay. Waa been cad oo taariikhiyan ay tahay in loo saxo inta ay goori goor tahay. Waxa Soomalia dumisay dawladii kalidii taliska ahayd ee Siyaad Barre iyo intii uu isku xeeray oo tolkii u badnaa waana inay taarikhdu iyaga u xambaariso dumistii iyo burburkii Somalia.
Abdullahi Yuusuf oo ahaa Madaxwayne wuxuu ku guulaystay inay Ethiopia soo gasho Caasimada Soomalia waxaana taariikhdu xusaysaa in Madaxwaynihii 4aad ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” isagoo ahaa waqtigaa Gudoomiyaha iyo Musharaxa Xisbiga Kulimiye uu si cad oo aan gabasho lahayn uga hor yimid in Ethiopia ciidankeedu gudaha u galaan Somaalia.
Arintan Madaxwayne Axmed Siilaanyo kaga horyimd Ethiopia uma ay dan ahayn Somaliland oo waxa la sheegaa in markii uu madaxwaynaha noqday ay xidhiidhkii uu la lahaa Raisal wasaarihii geeriyooday ee Ethiopia Meles Zenawi uu ahaa mid shaki ku jiray dhinaca Ethiopia.
Waxyaabaha aan dafiraada u baahnayn ee qoraalkani dafirayo waxa ka mid ah dhibtii nidaamkii Siyaad Barre u gaystay Somaliland. Ma jirto magaalo ka mida Somalia oo aan ahayn Hargeisa oo diyaaradii madaarkeeda ka duushay ay isla magaaladii duqaysay. Waxaad ka heli kartaa wixii Somaliland ka dhacay xasuuq iyo xad gudubyo warbixinta African watch ee magaceedu yahay “GOVERNMENT AT WAR WITH ITS OWN PEOPLE TESTIMONIES ABOUT THE KILLINGS AND THE CONFLICT IN THE NORTH”. Waxa kale oo sii xoojinaya arinta in Soomaliland xasuuq iyo xad-gudub ka dhacay raali galintii aan dhamayska tirnayn ee Madaxwaynaha Soomaaliya.
Dr.Abdurahmaan arintan wali ma aaminsanyahay? Haa. Wali wuu aaminsantahay sida ka muuqata jawaabtiisa aan halkan soo dhigay isagoo u jawaabaya Mohamed Khadar, waxaanu sheegay inay tahay mabda uu aaminsanyahay wax qalad ah na aanu sheegin.
Arintani waxay si dhaba u muujinaysaa inaanay Dawlada Soomaaliya rabin in xal waara laga gaadho wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.
Towbadu wali way u furantahay Dr.Abdurahman M.Baadiyow. inuu Ilaahay uga toobad keeno beenta cad ee uu ka sheegay halgankii hubaysnaa ee SNM ee ay ku doonayeen inay Afwayne xukunka kaga ridaan isla markaana shacabka Soomaliyeed ee uu isagu ka mid ka ahaa ay xoreeyaan. Waxa kale oo uu been ka sheegay rabitaanka Shacabka reer Somaliland ee Dib ula soo noqoshada dawladnimadoodii luntay. Waxa kale oo uu sheegay been aanu cadaynteeda hayn oo ah in Israel iyo Ethiopia ka danbeeyeen Somaliland inay dawladnimadeeda la soo noqoto. Inuu Shacabka reer Soomaliland iyo SNM ka raali galiyo been abuurkaas uu dusha ka saaray.
Iyo ugu danbayn inuu iska casilo xubin nimada Gudiga wadahadalada Soomalia u matalaysa.
Baayaankii Abdiraxmaan Baadiyow (WQ: Cabdiqaadir Saleebaan Xaashi)
Appendix 3