Madaxweyne kuxigeenka Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muhammed Cumar, iyo Madaxa Korontada Itoobiya, Ashabir Balcha, ayaa xadhiga ka jaray xarunta quwada korontada ee magaalada Qabridahar.
Maareeyaha quwada korontada ayaa yidhi ” Qabridahar waa magaaladii labaad ee hesha quwada korontada, labo sano kadib, isbadalkii ka dhacay deegaanka Soomaalida”
Wuxuu intaas ku daray in magaalooyinka sida Wardheer la siin doono mudnaanta xigta.