Midnimo sida loo Baabi,iyey iyo sida loo Baadi goobi karo (2aad)
Qormadii hore waxaan kaga hadlay sababaha keenay in midnimadii hore burburto , oo ay ugu weyneyd muwaadkii soomaaliyeed oo dawldii uu ku dhaadan lahaa kuna faani lahaa waayey , iyo dawladii oo dadkeedii dagaal lagashay . Qaybtan labaadna waxaan kaga faaloondoonaa waxa hortaagan midnimadaasi in ay dib usoo laabato.
– Qorshe cad oo aan labada dhinac midna ka lahayn
waxa uu ka doonayo dhinaca kale
Carqaladaha hortaagan waxaa ugu horreeya qorshe la,aan oo haday tahay dhinaca Somaliland iyo haday tahay dhinaca Somalia midna kama laha barnnaamuj faah faahsan oo ku saabsan waxa uu rabo inuu ka gado oo ka iibiyop dhinaca kale , maamulka Muqdisho midninada uu ka doonayo in uu lagalo somaliland waa waa mid noocee ah ? ma goboladii waqooyi ee ka mid ahaa 18 gobol ee xukuumadii milateriga ahayd samaysay mid kamida isagoo u arka ayuu leeyahay walaalayaalow soo noqda ? ma isagoo garwaaqsan in lixdankii wax khaldameen ayuu leeyahay aan wada saxnee dib u soo noqda ? waamaxay qiimaha iyo miisaanka soomaliland uu siinayaa marka uu doonaayo in miiska wada hadalada laysugu yimaado? . Dhinaca kale gooni isutaaga uu doonayo inuu ku qanciyo Somalia waa mid nooceeya ? ma oodaha inoo kala roga oo yeynaan dib isu sheeganbaa ? ma nooc iskaashi ah oo danaha ummada soomaaliyeed xeerinaya ayuu ka doonayaa inuu la galo ? Waxaa keliya oo jiraa waa laba muqadas oo aan midna maqli karin garta dhinaca kale dhageysana karin doodiisa , (midnimadu waa muqadas iyo gooni isu taagu waa muqadas) .Taasna waxaa lagaga bixi karaa iyada oo dhinac waliba garawsado in marka la doonayo in ummadi wax ka dhexeeya ay kawada hadasho aanay jirin wax muqadasa oo ka horreeya waxa laysku waafaqo ,kaasaa ah muqadas oo in ay wixii ay isku afgartaan; kala tag iyo israac kuu doono ha ahaadee ay fuliyaan oo ilaaliyaan .
– Koonfur oon weli u diyaar ahayn midnimo
Waxaa laga yaabaa in dadbadani u qaataan inaan khaldamay oo aan u jeedey inaan idhaa Somaliland ayaan diyaar u ahayn ,hasayeeshee waa sidaa aan u idhi oo sida runta ahna xaalada maanta ay ku sugantahay Soomaliya ee qaraxyada is daba jooga ah iyo nabad gelyo la,aanta , kala daadsanaanta maamul ,isbar bar yaaca iyo khilaafka federaalka iyo maamul gobaleedada ,ajaanibta amniga madaxda qaranka iyo caasimadaba gacanta ku haysa , iyo iyadoo ay ilaa hada aanay muuqan in uu ka hir galo nidaam dimiquraadiyad iyo xisbiyo badan ku salaysan oo nin iyo codkii lagu kala calaf qaado . Waxaasoo dhami iyo kuwo kale oo lajiraa waa sababaha ugu waa weyn ee in midnimo danbe hano-qaado hortaagan , waayo somaliland oo ilaa shanjeer doorashooyin xisbiyo badani ku tar tameen ka dheceen oo si nabada talada loola kala wareegay , suura gal ma aha in ay dawladnimadooda ku dhextuuraan badweyntaa kacsan ee markabkaa walaaladeena koonfureed la baaxaadegaya ee meel uu ku caaryi doono aynaan hubin ku dhextuuraan , ee horta waa inay hubsadaan mawjadahani goorta ay degaan ee salka dhigtaan ,waxaanan leeyahay goorta nidaam dimuquraadiya oo xisbiyo badan u tartamaan oo si nabada awooda loola kala wareego ay alkumaan bal hala gaadho,e hada hawshaa ballaadhan xilkeeda ay qaadaan ayaa la gudboon haday isu soo dhawaansho somaliland ka rabaana inay yidhaahdaan walaalayaal nagala shaqeeya arintaa oo nooga faaiideeya khibrada aad u leedihiin soo afjarida khilaafka iyo ismaan dhaafka ku salaysan qabaa ilka ayey ahayde in ay wax qabsiga soomaali lan dafiraanba amaba waayas aragnimo Jarmal iyo Jabaaniis xal ku gaadheen ka door bidaan tan walaalahood inay wax ka bartaan may ahayn . Halkaasaanay ka bilaabantaa isu soo hilowga iyo isu soo dhawaanshuhu oo lloga gudbi kari lahaa wada hadalo macno samaynkara oo labada dhinac dhex mara .
– Soomaali-land oo ilaa hada kaweji dadbaysa in ay koonfur toos u waajahdo
Waxaa hubaala in aanay somaliland ilaa hada helin hogaamiyeleh aragti uu doonaayo in uu soomaaliya shaxdeeda siyaasadeed qaabeynteeda kaga qaybqaato oo uu si u dana ummada Somaliland uu saamayn ugu yeesho ,waxaanay uun sugaan waxa Soomaaliya ka soo yeedha taasoo inta badana ay si taban uga fal celiyaan,hasayeeshee malaha ku dhac ay ku agaasimaan siyaasad ay iyagu ku hawlgalaan oo ay soomaalida koonfureed si fool ka foola ku hor dhigaan waxa ay u arkaan in ay kawada hadli karaan iyo sida ay khilaafka dhexyaala u xalinayaan , taasina waa mid raadxun ku yeelan karta mawqifka somaliland kana dhigi karta aakhirataanka mid ku qanacda barnnaamijyada ay soo agaasimayaan soomaalida koonfurtu ,waayo hadii ciyaarta had iyo jeer goolkaaga weeraryahaynada kooxda kale ku agmeeraystaan oo kubbadda aad ka fogeynweydo goolkaaga marka danbe waa hubaal in goolka lagaa dhalinayo .
– Walaaladeen oo seeska midnimada bur burinaya
Waxaa iyana ah waxyaabaha hortaagan midnimadan walaaladeena Somaliya ee innagu af gobaadsanaya midnimo iyagoo sidii ay ku iman lahaydna hortaagan , waayo jamhuriyadii Soomaaliya ee ay soo nooleynteeda iyo dib u heshiisiinteeda ku af gobaad sanayaan waxaynu ognahay in ay ahayd laba gobol oo midoobay, haday midnimo rabaan waxay ahayd in ay ka daayaan somaliladn fadhataysiga iyo kala kaxaynta mararka qaarkood qabayaaladaysan ee la leeyahay Somaliland Isaaqbaa lehe kuwa aanu isku haybta nahayaw kasoo yaaca! ,markaa ma midnimaad yagleelaysaa mise Somaliland oo qabaa il badan oo soomaaliyeed wada leeyihiin ayaad kala daadinaysaa? ,maxaakuu diiday hadaad midnimo doontahay inaad tidhaahdo ” wixii Somalida waqooyi ahow ordoo soo tashada oo isa soo qanciya oo ama idinkoo midnima raba amaba gooni isu taag raba kaalaya ”
Caqliga saliimka ahi wuxuu ina odhanayaa hadaad midnimo doontahay qaybsanka ku soo koob labadii gobol ee midoobay soomaaliland kala faquuqeedana ku bedel koonfur mideynteeda iyo ku foognaanta xallinta is af garanwaaga iyaga ka dhex aloosan..
Sidaasay ahayd sida ay ku soo yaraan lahayd khilaafka iyo iska daba wareega soomaaliya maanta wareeriyey ee ninkii Somaliladn kursi kawaayaa Somalia tegayo kii somaliya kasoo waayaana somaliland imanayo .
-Iaydoo labada dhinacba ku meeraystaan dad aan dantooda wadin
Waxaa hubaala in madaxda Soomaalidu Land-teeda iyo Weyn-teeduba ay ka dabqaataan awoodo aan labada midna nasteex u ahayn danna kalahayn oo midwalba markuu la joogo raaxeeye u tuma oo , Somali weyntana yidhaahda federaalkaanu taageersanahay oo kaala shaqaynaynaa ,Somalilandtana yidhaahda ictiraafkaanu kaala shaqaynayanaa ,labadaasoo aan midna run ahayn ee keliya larabo inta halkii loogu talagalay arimo ku biya shubanayaan in lagu maaweeliyo. Xalkuna waxaa weeye in siyaasiyiinta Soomaalidu ka korto caqli dhoocileedka iyo maaweelada caruurta ee lagu habsaaminaayo hankooda iyo hiyigoodana kor ugu qaadaan masuuliyada taariikhiga ah ee hortaala ,taasoo ah iyagaa is hurran ee in ay runta waajahaan oo ummadooda labada dhinacba ka sugaysa talo ay jiilasha soo socdaa ku faanaan oo yidhaahdaan ( waa kuwaa awoowe yaashayo ) ay gaadhaan .
– Iyadoo aanuu jirin plan-B
Caqabada kale ee hortaagan midnimo macna lihi inay dhacdo waxaa kamida iyadoo labada geesood midna aanu lahayn qorshe uga danbeeya ( midnimo muqadas ah iyo gooni isu taag muqadas ah) taasina waa mid ka turjumaysa laba arimood oo labaduba ceeb ku ah iyo nusqaan hogaamiye siyaasadeed oo ummad hormood u aha.
– Tahore, waxay tusaysaa in aanu ku dhac uu ku qaadan karo go,aan uu u arko in uu ummaddisa dan u yahay ,taasina waa calaamad muujinaysa in aanu shacbigiisa kalsooni ku qabin ee uu daba ka werwer qabo ,horena waa tii soomaaliyi u tidhi “canaan kayaab reer madoojo ”
Taana waxay kaga bixi karaan iyagoo rabitaan dhaba iyo in uu bal badbaadiyo ummada Soomaaliyeed oo uu u raadiyo sidii uu xal kale oo suura gelinaya sidii ay isu kaashan karaan oo cududooda iyo maankooda umaali karaan hadii sidii uu rabay suura geli weyday ,kadibna hogaamiye waliba uu goloyaashiisa iyo waxgaradka shacbiga soomaaliyeed ee uu matalo la tashado kuna qanciyo qorshaha (B) u ah ee uu doonayo inuu qaato hadii kii (A) suura gal noqon waayo.
– Aragti gaabnaan iyo kasmo yaraan siyaasadeed
Waayo xaaladaha ummaduhu sidan oo kale u cakiranyihiin waxay ubaahan yihiin shakhsiyaad curinkara fikrado iyo talooyin uu uga wareegi karo hadii uu soo xidhmo jidkii markii hore uu ummada kuwaday ,sidaa aawadeed maanta ummada soomaaliyeed xaaladay ku jirto kama saari karo nin mara-kudheg ah oo wixii uu mar dan moodo bedeli karayn hasayeeshee waxaa maanta badbaadin kara nin ay hal hays u tahay ” si ay xeegana xeego unoqoto ilkana u nabad galaan ” .
Waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkaygan
Horta midnimada aan laga baaraan degin dadka ay khusaysaana kuwada qancin , oo aan ku iman qiimeyn tii hore lagu sameeyey iyo xisaabtan laga xisaabtamay wixii bur buriyey midnimadaa ,keliya uma dan aha Somali land ee ummada Soomaaliyeed oo dhan ayey dan u tahay si looga baaqsado in ay dhacdo mar labaad burburkan aynu hada ka ooyeyno ee aynu ee aynu aragno waxy ina dhaxalsiisey. Takale horta minimadu ma noockeliya uunbaa mise waa mid midabbo badan oo siyaabo kala duwan loo hir gelinkaro? waxaan uga jeedaa ma dhici kartaa in dawlado kala madax banaani inay kamidnimo adagyihiin dawlad dusha uga muuqata inay mid tahay hoostana ka madhan oo qaybsan iyo dulmi iyo xadgudub seeskeedu yahay ? maanta reer Yurub hadaynu bar bar dhigno sucuudiga ,masar,iyo soodaan amaba dawlad kasta oo caraba amaba muslina amaba afrikaana koodee midnimo macna leh oo laysku halaykaraa ka jirtaa ? Waxaan uga jeedaa taa, ma u baahanahay in fahamka aan midnimada ka haysano bedelo hadaynu Soomaali nahay oo dib u eegno ?
Maxamed Xasan
maxas.abdil@gmail.com