Afhayeen Barkhad Batuun iyo Wasiir Faratoon: Mucaarid Muujiyey Lexejeclo iyo Muxaafid la Yimid Masuuliyad-darro

Afhayeen Barkhad Batuun iyo Wasiir Faratoon: Mucaarid Muujiyey Lexejeclo iyo Muxaafid la Yimid Masuuliyad-darro

Faalo: Suxufi Maxamed Cirro

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee Xisbiga WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun oo saxaafadda la hadlay (Axad, 12 April 2020), ayaa muujiyey astaamaha lagu yaqaan mucaaridnimada dhabta ah ee ku salaysan lexejeclo muwaadinimo, sheegista waxa fiican ee la qabtay iyo tilmaamista khaladaadka jira ama gal-daloolooyinka u baahan in la gufeeyo (Objective criticism), isagoo Madaxweynaha iyo Xukuumadda Somaliland uga mahadnaqay in Guddi Heer Qaran ah loo sameeyo xakamaynta iyo wacyigelinta xannuunka Covid-19., halka uu Wasiirka Khaarajiguna la yimid masuuliyad-darro ah inuu baal-maray nidaamka loo dejiyey in dadka safarka ka yimaada lagu karantimeeyo hudheelo lagu ilaaliyo.

“Xisbi ahaana waannu uga mahadnaqaynaa, maantana Mucaarid, muxaafid iyo muwaadinba waa inay intuba mid ka noqdaan badbaabada caafimaadka bulshada Somaliland.” Sidaa waxa yidhi Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun oo sidoo kalena ugu baaqay bulshada Somaliland in heegan loo galo aafada cudurkan anfariirka ku riday dunida, kaasoo uu xusay in lagaga bixi karo feejignaan iyo midnimo dhexdeena ah, wacyigelin iyo baraarujin bulshada dhexdeeda ah.

“Waxa aynu guud ahaan ku dedaalaynaa in aynu wax tarno dadkeena masaakiinta ah ee aan waxba haysan, agoomaheena, cusbitaallada ay ku jiraan dadka waalan, dadkeena naafada ka ah indhaha iyo dadkeena ay ku gedaaman yihiin duruufaha nololeed. Waxa hadda inoo dhammaanaysa bil khayr qabta (shabcaan), waxaanna inoo soo gelaysa bishii ugu fadliga badnayd bilaha oo ramadaan ah. Sadaqada iyo wax-bixintu waa shayga keliya ee dammiya cadha Ilaahay, waana shayga cimriga dheereeya, waa shayga caafimaadka barakeeya ee ay ku timaado naxariista rabbi, markaa guud ahaanteen aynu ku dedaalno sidii aynu wax u tari lahayn dadkeena baahan,” ayuu yidhi Barkhad Batuun.

Afhayeenka Xisbiga WADDANI, ayaa soo bandhigay gal-daloolooyinka ka muuqda shaqada wacyigelinta iyo qaab-dhismeedka Guddida Heer Qaran ee U-diyaargarawga iyo Ka-hortagga Xannuunka Coronavirus (Covid-19) oo Madaxweyne Muuse Biixi uu wareegto ku magacaabay taariikhdu markii ay ahayd 14 March 2020, balse marar kala duwan tiradooda la kordhiyey, Guddoomiyena looga dhigay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

“Guddidaas il-duuf badan ayaa runtii jira oo aannu talo ahaan qabno, Madaxweynahana u jeedinayno. Madaxweyne, waad ku mahadsan tahay in aad Guddi Heer Qaran ah samayso, laakiin saddex tiir oo bulshada muhiim u ah ayaan ku jirin Guddida, wayna fiicnayd in dib lagaga daro Guddida.

1. In Guddida Heer Qaran lagu daro cid metelaysa saxaafadda Somaliland, lagalana tashado Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA), aad ayeynta taasi u qurux badnayd, sababtuna waxa weeyaan saxaafaddu waa cidda keliya ee tebinaysa wararka iyo wacyigelinta Bulshada, door muhiim ah ayeyna maanta kaga jirtaa nolosha ummadda Somaliland.

2. In lagu daro culimada oo culimo aan ka tirsanayn Xukuumadda Somaliland ay ku jiraan Guddida way fiicnaan lahayd, sababta aannu xisbi ahaan sidaas u leenahay waxa weeyaan magaalo kasta oo dalka ka mid ah, xaafad kasta oo ku sii taala, ugu yaraan toban masaajid ayaa ku yaal, masjidkastana makarafoon ayaa saaran. Wacyigelinta Bulshada iyo wax-u-sheegooda qayb weyn ayey culimadu ka qaadanaysaa, waana dadka uu hadalkoodu galo mushtamaca, waayo waxay sheegaan qowlka Ilaahay iyo qawlka Rasuulka (NNKHA).

3. Waxa kaloo uu il-duuf kale ka jiraa Abwaanada oo waa in lagu daro xubin metelaysa Abwaanada Qaranka, taasina muhiim ayey ahayd, waayo hibo hal-abuur ayey leeyihiin, waana dadka samayn karaya hal-ku-dhegyada wacyigelinta, waana dadka meteli karaya, ummaddana u soo bandhigi karaya riwaayado waaqica iyo mashaakilka uu ummadda ku sababi karayo xannuunkaasi.

Il-duufka kale ee muuqdaa waxa weeyaan in aanay wacyigelintu gaadhin qaybo badan oo bulshada Somaliland ah, waxa aannu xisbi ahaan ku talinaynaa in loo dhug-yeesho oo loo dheg-raariciyo tallooyinkan;

· In Masuuliyad gaar ah la iska saaro in dadka aragga naafadda ka ah ay u heli lahaayeen wacyigelin gaar ah oo waa qayb ka mid ah ummadda, xisbi ahaana ay muhiim noo tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

· In waycigelin gaar ah la siiyo dadka maqalka naafadda ka ah, waana inay jirto istaraatiijiyad iyo qorshe lagu wacyigelinayo, ilayn bulshada ay badh ka yihiine.

Waxa il-duufku ka taagan yahay dalku waxa uu leeyahay hal Radiyow (Idaacad qudha), waana Radio Hargeysa oo ay Xukuumaddu gacanta ku hayso, idaacaddaas gelinka hore marka aad shido hees ayaa ka baxaysa, gelinka dambe marka aad shidana hees ayaa baxaysa, habeenkiina hees ayaa baxaysa, waxayna ahayd in lagu ibo-furo, laguna xidho wacyigelinta bulshada lagaga wacyigelinayo aafada cudurkan anfariirka ku riday dunida.

Waxa kaloo uu il-duuf ka jiraa, sida aannu maqalnay Wasaaradda Warfaafinta waxa ka ka shaqeeya 850 qof oo isugu jira abwaano iyo suxufiyiin, awooddaas Wasaaradda dhextaala ee uu qaranku leeyahay ee suxufiyiinta iyo abwaanadaba leh in iyagana laga shaqaysiiyo, wacyigelintana qayb weyn oo mug iyo miisaan leh ay ka qaataan,” ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI.

Md. Barkhad Jaamac Batuun, waxa kaloo uu ka hadlay faa’iidooyinka bulshada ugu jira in la karantimeeyo dadka safarka ah ee ka yimaada dalalka dibadda, gaar ahaan meelaha uu sida xooggan ugu faafay xannuunka Covid-19 oo ah Qaaradda Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, isagoo soo bandhigay dhacdooyinka wax-ku-qaadashada mudan ee uu kala kulmay goob ku taal Hargeysa uu ku karantimaysnaa muddo 14 maalmood ah, kadib markii uu ka soo laabtay safar dalka dibaddiisa ah.

“Muddadii aannu karantimaysnayn candhuuf ayaa la naga qaaday, dheecanno ayaa la naga qaaday, dhiigag ayaa la naga qaaday oo anaga oo caafimaad qabna ayaannu ka soo baxnay, waana Alxamdullilaahi. Waxyaabaha murugada iyo muraaradillaaca lahaa intii aannu madashaas joognay waxa ka mid ahaa muwaadin anaga naga mid ahaa (dadkii la karantimeeyey) oo reer Somaliland ah oo hooyadii dhimatay oo geeridii loo sheegay ayaa bixi kari waayey oo inuu isagu baxo iyo in bulshadu badbaadi waydo, badbaadada bulshada ayaannu eegnay oo waannu joojinay inuu baxo, waxa nagu jiray muwaadin kale oo xaaskiisii foolatay oo qalliin u baahatay oo in isagu baxo iyo in bulshadu badbaado, waxa la qaatay in bulshadu badbaado, waana laba dhibaato in dhibka yar la doorto oo waa qaaciido sharci ah, waxa sidaas loo sameeyeyna badbaadada shacabka ayey ahayd, arrimaha noocaas ah waxa aan idinkula wadaagayaana waxa weeye in aannu idin dareensiino mudnaanta uu caafimaadkiinu leeyahay, arsaaqda Ilaahay (SWT) bixiyana waxa ugu mudan caafimaadka.”

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun waxa uu ugu baaqay muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland inay sharciga u hoggaansamaan, laguna shaqeeyo isku-xukunka sharciga (rule of law), lana ilaaliyo nidaamka iyo kala-dambaynta, arrimahaas oo uu xusay inay yihiin waxyaabaha lagu yahay qaranka Somaliland.

“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland dhawr maalmood ka hor ayuu yimid magaalada (Hargeysa), madaarka ayuu ka soo degay oo gurigiisa ayuu tegay…Madaxdu waa inay tusaale hoggaamineed u noqotaa muwaadiniintooda oo muwaadiniintu waxay ku dhaqmaan waxa ay madaxdooda ka arkaan. Waxa ay ummaddu isweydiinaysaa sharciga xubin xil ka haysa Xukuumadda u saamaxaya inuu tago xafiiskiisa iyo xaafaddiisa, muwaadinka uu cashuurtiisa qaatana laga dhigo maxbuus? Waxa isweydiin leh askarta ilaalinaysay Wasiirka, darawalkiisii soo qaaday ee guriga geeyey, Wasaaradda uu tegay dadkii joogay sidee ayaa loola dhaqmaa? Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna Guddoomiyaha Guddidaas waxa aannu weydiinaynaa su’aasha ah; muwaadinka maxaa maxbuus ka dhigay, xubinta xil ka haysa Xukuumaddiina maxaa mudnaanta siiyey ee au xafiisyada iyo xaafadahooga u tegayaan?

Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun hadalkiisa uu duuban waxa uu socday muddo 12 daqiiqo ah, isagoo in ka badan 8 daqiiqo kaga hadlay waano guud oo ah in ummaddu isku naxariisato, mahadnaq ah tallaabada lagu dhisay Guddida Heer Qaran, faa’iidooyinka bulshada ugu jira karantimaynta iyo in la iska ilaaliyo xannuunkan halista ah, naqdi ama dhaliil wax-dhisid ah (constructive criticism) iyo tallooyin muhiim ah oo uu u jeediyey Guddida Heer Qaran, halka qiyaastii ilaa 4 daqiiqo uu kaga hadlay safarka uu Wasiirka Khaarajigu kaga yimid dalka Ingiriiska iyo sida isagoo aan wax karantimayn ah lagu samayn uu u tegay Gurigiisa iyo Xafiiska Wasaaradda Khaarajiga, waxaannu su’aallo arrintaas khuseeya u soo bandhigay Guddida Heer iyo Madaxweyne-ku-xigeenka oo ah Guddoomiyaha Guddida, balse si shakhsi ah uma weerarin shaqsiyada Wasiirka ah, manuu jeedin wax eedayn ah oo si gaar ah ugu socotay Wasiir Faratoon.

Hasayeeshee, Wasiirka Arrimaha Dibadda Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo waraysi siiyey telefiishanka Bulsho TV xalay, waxa uu si shaqsi ah u weeraray Afhayeenka xisbiga WADDANI oo uu ku sifeeyey inuu yahay; “in shaqada loo siiyey inuu wax caayo”, halka sidoo kale uu Wasiirku been ku tilmaamay hadalka Barkhad Jaamac, balse haddana Wasiir Faratoon waxa uu ka markhaati kacay hadalka Afhayeenka ee ahaa inuu safar dalka dibaddiisa ah ka yimid, iyadoo aan la karantimayna uu si toos ah u tegay Gurigiisa, sidoo kalena tegay Wasaaradda Khaarajiga, taasoo u muuqata in Wasiirku noqday muxaafid isku meeraystay oo aan waaqif ah ummadda uga qancin sababta loogu karantimayn waayey si la mid ah qaabkii loo karantimeeyey dadka ka yimid dalalka dibadda oo hudheelo lagu ilaaliyo muddo 14 maalmood ah.

“Arrimahaasi qaarna waa been cad oo aanay waxba ka jirin oo ku tusaysa xil-kasnimada iyo miisaanka uu leeyahay qofka ku hadlaya waxaas beenta ah ee cad, midna sida uu u sheegayo waxba kama jiraan oo iyada qudheeda been ayaan ku sheegi karaa oo anigu kama soo degin Madaarka Cigaal oo madaarkana anigu indhawayd wax diyaarado ah oo yimidba garan maayo,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa kaloo uu qiray inuu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalka Ingiriiska oo ka mid ah dalalka uu saamaynta xun ku yeeshay, sida xooggana ugu dhexfaafay xannuunkan Coronovirus, diyaaradna u soo raacay ilaa Madaarka magaalada Addis Ababa, iyadoo muddo afar maalmood ah lagu karantimeeyey hudheel ku yaal Caasimadda Itoobiya, balse markii dambe ay dowladda Itoobiya u ogaalatay inuu u soo baxo dhinac Somaliland, isagoo soo maray dhinaca dhulka, kana soo gudbay xadka Wajaale, xiligana uu si iskii ah isugu karantimeeyey gurigiisa ku yaal Caasimadda Hargeysa.

Haddaba, marka aad daawato ama dhegaysato hadalka Afhayeenka xisbiga WADDANI, waxa kuu muuqanaysa in cidda fariintu ku socoto aanay ahayn Wasiirka Arrimaha Dibadda, laakiin ay tahay mid ku socota Guddida Heer Qaran, jawaabta rasmiga ahna laga sugayo Guddida uu hormuudka u yahay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland.

Halkan ka kaga bogo hadalka Afhayeenka WADDANI oo dhammaystiran

doodda Wasiirka Khaarajiga Somaliland halkan ka eeg

Waxa isku soo ururiyey Suxufi Maxamed Cumar Cabdi (Cirro), Hargeysa, Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso