Madaxwaynaha DDS, Mustafe Muxumad Cumar, ayaa codsi u diray ururka ONLF, inay raaligalin ka bixiyaan halgankii khadhaadhaa ee lagu hoobtay, kaas oo ay ONLF ugu yeedhay inuu ahaa “dagaal sokeeye”.
” Dhaawac iyo danqasho ayay ku tahay umadii halgankan u soo dhabr-jabtay, in maanta la dhaho waxaa uu ahaa dagaal sokeeye, yaa is dilay? Cadaadiskii iyo bahdilkii TPLF ayaa naf, maal iyo wakhtiba loo huray, ee ma dagaalkaas ayaa ahaa mid ehliya?” ayuu yidhi madaxwayne mustafe muxumada.
“Masuuliyiinta ONLF, way ka gaabsadaan inay adeegsadaan, erayada tilmaamaya inuu halgaankii la soomaray uu ahaa mid gumaysi-diid ah”, ayuu sii raaciyay madaxwaynuhu.