Nicolae Ceaușescu, waxa uu ahaa hoggaamiye u dhashay dalka Romaaniya. Waxa uu ahaa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Shuucigaa ee Romaniya, muddadii udhaxeysay 1965tii ilaa 1989kii. Waxuu ahaa Shuuci macangaga, oo aad u qalbi adeg. Waxuu Romaniya ku xakumay qori caaraddiis, gacan bira iyo waliba cabburin xad-dhaafa, ilaa waallida kibirkiisu gaarsiisay in uu naftiisa yar ku tilmaamo; Hoggaamiye Weyn, Badbaadiyaha Sare, Iftiinka aan waligii damin iyo magacyo aad u fara badan oo ka tarjamaya waallida uu ka qaaday xukunjaceylkaas badan!!
Waxa uu aad u necbaa in la gu dhiirrado dhaliil iyo eray yar oo wax u dhimi kara karaamadiisa madaxtinimo. Waxaa hareerrihiisa ka buuxay ciidan iyo jenaraallo ammaan u miisi jiray, ilaa ay ugu yeereen ‘Aliskandarkii Weynaa’, xilliga taliskiisana waxay ugu magacdareen ‘Casrigii Dahabiga ahaa’. Taas oo qar xun ka sii tuurtay.
Waxa uu lahaa qasri weyn oo wax walba oo naftiisu damacdo ay u dhex yaalleen. Tumasho, iyo taallooyin xasuusreeba. Xilliga uu sidaas sameynayo, dadka Romaaniya baahi culus ayey la ildarnaayeen, oo waxay saf dheer u wada gali jireen rootiga, korontada iyo biyaha, waxeyna ku noolaayeen nolol cariiriya, qabow iyo daruuf!
Ma uusan fileyn in dadkiisu maalin uun ku kici doonaan. Ardaydii Jaamacadaha ayaa waxa ay sameeyeen dibadbaxyo ay ku diiddan yihiin xukunka Nicolae Ceaușescu ee kaligiitaliskaa.
Lamafilaan ayey ku noqotay in shacabkiisu ku mudaharaadayaan maalin uun, waayo dadka ka ag dhaw ayaa ugu sheekeyn jiray in shacabku aad u jacel yahay. Ciidankii ayuu amar buuxa ku siiyey in ay dilaan qof walba oo isku daya in uu bannaanbax iyo cabasho yar xitaa sameeya.
Askartii waxay dileen labaatan arday. Shacabkii oo idil ayaa mar qura sida Folkaanihii u wada qarxay, ilaa Caasimadda Romaaniya ay noqotay bar madow tirada dadka awgeed. Ciidankii ayaa u sheegay Nicolae Ceaușescu in xaalku faraha uu ka sii baxay, oo waxaan oo dada aysan wada cabburin karin. Mudaharaadyadii ayaa waxay soo gaareen Aqalkii Madaxtooyada, ilaa uu ku qasbanaaday inay qaataan Helikobter isaga iyo xaaskiisa. Waxuu fuulay saanqaafka Qasriga Madaxtooyada, kabina uu sidaas ku baxsado.
Markii uu Helikobterka qaatay, oo ay hawada la gashay, ayuu hoos ufiirshay tirada dadweynaha diiddan xukunkiisa xaaraanta ku dhisan. Afka ayuu gacanta saartay, yaab awgiis. Marnaba ku ma jiifan shacabka ayaa sidaas oo dhan kuu nacay. Helikobterkii waxay ku dajisay meel aan fogeyn oo caasimadda u dhaw. Dad beeraleeya ayaa qabtay isaga iyo afadiisii Elena, waxayna u dhiibeen Garsoorka. Laba saac ka ma soo wareeggan markii la go’aamiyey in la toogto isaga iyo xaaskiisa. Xaaskiisu waxay aheyd naag faataalada, oo xirata dharka, kabaha iyo dahabka ugu qaalisan. Maalintii la tooganayey iyada iyo ninkeeda Nicolae, (1989), waxay ku qayladhaamineysay; “I ga leexda. Waxaan ahaa hooyadiin. Anigu mar walba waa idiin roonaay”.
Sidaas ayaa lagu toogtay Kaligiitaliye Nicolae Ceaușescu iyo afadiisii Elena Ceaușescu.
Sidaas ayuu ku dambeyn doonaa Madaxweyne kasta oo xarfaanta ka ag dhaw ay ku aqriyaan in shacabku aad u jacel yahay, oo guulihiisu ay meel walba gaareen!! WT.
W/Q: Cabdicasiis Shidane.