Sadqayntii Shalay ee Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, Maanta Ganacsade Maxamed Aw-Siciid Geeddi Maxay Daaran Yihiin?

Sadqayntii Shalay ee Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, Maanta Ganacsade Maxamed Aw-Siciid Geeddi Maxay Daaran Yihiin?

 

 

Layaabyadda ka soo fulaya madaxwayne Biixigan siyaasadda ka arradani badanaa, shalay ayay ahayd isku daygiisii afduub ee uu kula kacay ganacsade Axmed Cismaan Geelle isagoo oo fulinayay fariin qaldan oo uu soo faray kaligii taliyaha uu sida tooska ah uga amar qaato ee Ismaaciill Cumar Geelle, kaasi oo soo faray inuu sidii maxbuus uu yahay uu u soo gacan galiyo ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ay ka dhaxaysay xisaab qoyska dalka Jabuuti ku haysta xoogga ee uu horjoogaha ka yahay Ismaaciil. Waxa kale oo uu Ismaacill caan ku yahay in aanu habeen dab u hurin qaranka Somaliland balse uga soo horjeeda si toosa inuu maruun dalkani noqdo qaran ka mid ah kuwa caalamka. Marar bandanna waxaynu aragnay inuu caalamka u tuso in ay Somaliland ka tirsan tahay xukuumada Xamar.

 

Waxba yaanu qalinku ila taraarine aan u dhaco dulucda maqaalkayga oo aan ku eegi doonno Labadan dhacdo oo is barkan sina u wadaagi kara ujeedooyinka dahsoon ee Muuse Biixi. Sida aniga iyo dad badan oo kale aaminsan yihiin waxa aynu horaantii bishii March ku war helnay tooriyayn uu dhabarka ka tooriyeeyay Muuse Biixi ganacsade Maxamed Aw- Siciid kaasi oo abaal badan ku lahaa, waase tii hore loo yidhi nin abaal galaa badan, nin gudaase yar kaasi oo gabi ahaanba laalay sharci ay xukuumadii kulmiye ee tan ka horaysay u gudbisya Golaha

Wakiiladda ee Somaliland oo mudo labaataneeyo sanno ah u siiyay contract inuu dalka gaadhsiiyo adeega internetka hase ahaatee uu Muuse Biixi gabi ahaanba laalay.

 

Hadaba laalida ayaan tiro ba saddex dhinac aan ka eegi doonnaa, aniga oo isku dayaya in aan bal garano sababta ka danbaysa. Waa mar ee madaxweynaha laalista ma waxaa soo faray oo ay dani ugu jirtay kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle oo si uun u danaynayay in Maxamed Aw-Siciid cidla la diro oo sidii ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa arrimo hoose iyo xisaabo ka dhexeeyay oo uu sidii uu rabay u fuli waayay? Kaasi oo dabadeedna sidii caadada u ahayd dhabarka ka soo taabatay Muuse Biixi oo isna dhabar jabintaa u adeegsaday golihii wakiiladda sidaana Ku meel mariyay farriintii kaligii taliye Ismaaciil. Waaana hubaal in ay tani tahay dhabar jabin la dhabar jabiyay Ganacsiggii iyo geedi socodkii  SOM CABLE.

Aragtida labaad ee ku riixi karta Muuse in uu arintan ku kaco waa in uu Muuse ka dhex samaystay saami ah 25% ganacsiga isgaadhsiinta internet ka  oo uu u kala dhigay afar saami oo kala ah; Telesom 25%, SOM CABLE 25%, Somtel 25% iyo 25% uu  isagu isku wado ama shirkad qarsoon oo Muuse biixi dabada ku wato. Waa surta gal arintani waxaana sidaa qaba dad badan.

 

Arinta saddexaad ee la odhan karo waa mid suurta gal ah waa inuu Muuse Biixi kaga raadinayo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed labada ardaa ee ku kala abtirsada labada shirkadood ee Somtel iyo Telesom. Tageeradan oo u fududayn karta waxyaabaha uu damacsan yahay mustaqbalka haddii uu doonayo inuu dib isku soo sharaxo amase haddii uu doonayo qadar lacag ah oo uu ku fushado arimihiisa.

 

Mid ay noqotaba waxa mar kale muuqatay in Muuse Biixi uu abaal-laawe yahay waxa kaliya ee kaa waabiyaana ay yihiin in aad gacanta u buuxiso ama si aad u  cabsi galiso aad xukuumaddiisa la daba taagnaato dhaliilo ha jiraan ama yaanay jirine,  iyadoo aynu wada ognahay inay hanjabaado badan u direen labada ardaa ee ka soo kala jeeda labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ama ha noqdeen madax dhaqameed ama rag jabhado aasaasay sida tii Caarre. Waxaase suurta gal ah in ardaayada kalena tubtaa mari doonaan hadiiba ay tani tahay gujadda lagu maalo Muuse Biixi oo ay iyaguna ku cabsi galin doonaan haddiiba uu faraha la soo galo ganacsi ama arimo kale oo uu leeyahay qof magac lehi oo ka soo jeedda Ardaagoda.  Waxaana arrinkaa cadayn ugu filan siddii ay beesha Balli gubadle uga rideen af-duubkii uu isku dayay inuu u gaysto ganacsadaha la mahadiyay ee Axmed Cismaan Geelle. Sidaa si la mida waa mid suurta gal ah in beel waynta uu ka soo jeedo ganacsadde Maxamed Aw-Siciid u goodiyaan Muuse Biixi oo ay taasi ku meel mariyaan inuu isbadal si uun ah ka muujiyo go’aankan aan sharciga ahayn ee uu ku laalay codayntii hore ee golaha wakiiladda Somaliland ku meel mariyay sharcinimadda iyo mudaynta ay xaqa u leedahay SOM CABLE inay haysato adeega internetka ee Somaliland.

 

Waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan in aanu Muuse Biixi ahayn madaxwayne u dhex ah dadka reer Somaliland ee uu yahay daba-dhilif u adeega kaligii taliye Ismaaciil Cumar Geelle ama uu ka tirsan yahay Saamilayda internet ka oo uu 25% ku leeyahay Saamigan cusub ee lagu bililiqaystay lahaanshiiyihii Maxamed Aw-Siciid oo ahaa 100% inuu lahaado ilaa inta wakhtigiisu dhamaanayo ama waa ta saddexaade inuu yahay mid taageero raadis ah ha ahaato dhaqaale ama siyaasad ama waxa ay ka tahay fulaynimo uu ku maslaxanayo labadda Ardaa oo cagta dhulka ugu dhuftay marar badan oo uu iskaga qaboojinayo. Taasise ma noqon karto mid raali galisa Maxamed Aw-Siciid oo abaal badan ku lahaa Muuse Biixi tan iyo intii uu u guclaynayay inuu noqdo gudoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo madaxweynaha Somaliland  kaasi oo aan marnaba kala hadhin hiil iyo hooba. Si kastaba ha ahaatee waxaan ku soo

af-meerayaa Maqaalkan kooban in la eegi doono halka dayr wakhtigu dhigo.

 

 

Cabdi Muxumed

Cabdimuhumed60@gmail.com

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso