Daawo: Af-hayeenka Xisbiga WADDANI Md.Barkhad Jaamac Batuun Oo su’aalo jawaabtoodu adag tahay saaka hor dhigay guddidi Covid 19 ee Somaliland.
Guddida covid 19 ee Somaliland Bulshada ha u bayaamiso saddexdi malyan ee Madaxweynuhu u dhiibay meeshay martay?
Ha sheegaan deeqihi dalal dunida inaga soo gaadhay ma dadkay gaadhsiiyeen mise goob gaar ah ayey dhigteen?
Mee Cisbitaalki loogu deeqay ee lagu wareejiyey sababma ayey bukaanka u gaynayaan cisbitaalka guud ee hargeysa?
Meeday deeqdi word remit?
Meeday deeqihi shiradaha telsom iyo dahab-shiil u dhiibeen?
Meeday deeqihi ganacsatada ay ka qaadeen?
Meeday deeqihi hay”addaha dunidu ina siiyeen?
Dhiilo weyn iyo dhag xumo ayey qarannimadeena ku tahay in si dhayal ah ay dadkeenu u dhintaan xisbiga ahaana qof kasta oo dhinta dheeman nagala qaalisan.
Af-hayeen Xisbiga WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa sidoo kale yidhi: ” Xisbi ahaan waxaanu hambalyeynaynaa Maamulka Shirkadda world remit oo qalab badan ugu deeqday dalka “. waxa sidoo kale Af-hayeenku hambalyeeyey Shirkadaha Cali Gadhle, Dahab-shiil, hablaha qurba joogta Burco Oo ku deeqay Ambalance cisbitaalka burco ugu dambeyntiina wuxu Af-hayeenku waalidiinta ugu digay iney caruuraha suuqyada cidhiidhiga ah geeyaan maryahoodana iyagu u soo iibiyaan isaga oo xukumadda ugu baaqay iney xal ka keento cidhiidhiga suuqyada oo ay u rarto garoonada kubada.