SOOMAALIDA IYO FIR_TAKOORKA
BISMILLAAHI ALRAXMAANI ALRAXIIM
Waxaa beryahan wargeysyada dunida qaarkood iyo goobaha bulshadu ku kulanto ee internet-ka laga daawanayey dhacdo xanuun badan oo qabsatay gabar soomaaliyeed oo ka adeeganaysey dukaan ku yaal dalka Maraykanka.Gabadhu ayada ayaa duubtay sawirka iyadoo ka cabanaysa in dukaanka laga saaray,sababna looga dhigay ku hadalka afsoomaaliga,runtuse ahayd midabkeeda madow.Qolada dukaanku way qirteen inaysan gabadhu wax khalad ah aysan sameyn,nasiibdarrose waxba kama beddelin taasi go,aankooda ahaa in gabadha dukaanka laga saaro.Waa dhacdo laga danqado,waana dhaleecaynayaa dhacdadaas.Gabadhu waxay ahayd qof karti leh sida gabdhaha soomaaliyeed lagu yaqaan,ceebtii qolada dukaankana adduunka oo dhan usoo bandhigtay.Aad baan ugu mahadinayaa gabadhaas geesinnimadeeda iyo kartideeda.
Laakiin anoo oday soomaaliyeed ah waxay dhacdadaasi i xusuusisay in annaga soomaalida ah shaqo badan inoo taal markay noqoto fir-takoorka oo nasiibxumo ka mid ah dhaqannada foosha xun ee dadkeennu leeyahay.Ma habboona inaynnu ku dhaleecaynno dadyowga kale akhlaaq xumo aynnu innagu kala mid nahay ama ka darannahay.
Fir-takoorku waa takooridda,yasidda iyo nacaybka loo qaado koox taasoo loo aanaynayo midabka,muuqaalka,qabiilka,diinta ama afka.Waa dhaqanxumo fil weyn oo aadanaha weligeed la socotey,salkana ku haysa aqoonxumo iyo baqdin.Noocyada fir-takoorka waxaa ugu liita kan soomaalidu caadaysatay ee qabyaaladda ku dhisan waayo waxaa la takoorayaa dad soomaaliyeed oo aan haba yaraatee wax ay dadka kale kaga duwan yihiin aysan jirin,baqdin laga qabo iyo dhibaato ay geystaanna aan lagu takoorayn.Waa wax laga yaq-yaqsado,lagana xishoodo ah in bulsho muslim ah oo culimmo leh,aqoonyahanno leh,siyaasiyiin iyo waxgarad leh ay dhaqankaas xun weli ku dheggan tahay.Dadka aqoontoodu gaaban tahay ee ilbaxnimo ahaan meel hoose joogaa kama tagaan caadooyinka iyo dhaqanka ab-ka-ab laga soo gaaray,lamana is weydiiyo inuu xun yahay iyo in kale.Bulshooyinka xagga aqoonta iyo ilbaxnimada ka hormaray waxaa calaamad lagu garto ah inay summad weydiineed saaraan wax kasta,iskana tuuraan waxa caqliga ama aqoontu diidaan.In kastoo dadkeenna ay maanta ku jiraan dad badan oo aqoonyahanno ah,haddana weli ma gaarin koboceenna ilbaxnimo inaynnu hufno dhaqankeenna iyo caadooyinkeenna oo aynnu kala baxno inta suuban,inta xunna daadinno.Weli qabiil magaciis ayeynnu ku takoornaa dadkeenna qaarkii oo aan loo oggolayn inay ku dhex darmadaan bulshada,xaqooda ka helaan shaqo bixinta,welibana afxumo aan lala xishoonayn ay la kulmaan maalin kasta.Weli sidii baa gudniinka gabdhuhu uga socdaa dalka,inkastoo ay caadadaasi ka fil weyn tahay kumanaan sano.Weli waxaad maqlaysaa labo reer oo deris oo ku dagaalaya dhul daaqsin,ama aano hore oo aan laga bogsoon inkastoo ay meelahaas ka jiraan maamullo qaab dawladeed leh,haddana aan haba yaraatee u arag in xil ka saaran yahay qalalaasaha dagaallada qabiilka.
Waxaa wax aad looga xumaado ah in dad badan oo shahaadooyin sarsare sita ay u dhaqmayaan sida ninka aan wax qorin waxna akhriyin.Miyeysan khasaaro ahayn waxbarashada iyo aqoonta uu helay qof aan ka gubaneyn balse taageersan caadooyin iyo dhaqammo jirku ka jiriiricoodo.Haddii aynnu rabno inaynnu horay u soconno oo aynnu noqonno qaran iyo bulsho waqtiga la jaanqaadi karta,waa in ay dadka waxbartay,dhallinyarada iyo culimmada diintu fadhiga ka kacaan oo dadka ka wacyi geliyaan caadooyinka xun oo uu ugu xanuun badan yahay takoorka bulshada qaarkeed lagu hayo.
Intaan ogahay ma jiro kitaab diineed muqaddas oo arrinta fir-takoorka iyo sinnaanta aadanaha u abbaaray sida Quraanka kariimka ah.Tusaale ahaan waxay aayadda 13 Alxujuraat sugtay sinnaanta aadanaha rag iyo dumar,caddaan iyo madow,qabiillo iyo qolooyin.Aayaddaas oo aan labo sadar ka badnayn waxaa Allaha sarreeyey noo sheegay in waxa keliya ee dadku ku kala fiican yahay oo lagu miisaamo ay tahay Taqwada.
Aayadda 22 Alruum waxaa Alle ku caddeeyey in aayadaha Alle iyo qorshihiisa ay ka mid tahay kala duwanaanta midabka iyo afafku.Cidda ay taasi aayadda u noqonaysana ay tahay aqoonyahannada.
Nebi Muxammed Nabad iyo naxariis Alle ha haleeshee,waxaa taariikhdu werisey inuu simay dadkii ku xeernaa oo horey takoor iyo qabyaaladi dhaqan ugu ahayd.Saxaabigii caanka ahaa Bilaal ibn Rabaax,Alle raalli ha ka noqdee oo ahaa nin madow,addoonnimona soo maray,wuxuu ahaa dadka ugu dhow nebiga(NNKA),markii dambena wuxuu la xididay Cabdiraxmaan ibn Cawf oo ka mid ahaa dadka kor loo eego ee qabiilka Quraysh.Ciidankii ugu dambeeyey ee nebigu(NNKA)abaabulay wuxuu hoggaamiye uga dhigay wiil 20 jir ah(Usaama ibn Zayd)oo madoobaa,aabbihi iyo hooyadiisna addoonnino soo mareen.Taasi waxay tusaale u tahay sida nebigu(NNKA) ugu guulaystey inuu beddelo habkii ay u fikiri jireen dadkii carbeed waqtigii gaabnaa ee uu suubbanuhu dacwadiisa wadey.Waa nasiib xumo in soomaalidu maanta joogto heerkii ay carabtu joogtey islaamka ka hor.Soomaalida keliya ma ahane,meelaha dunida ugu fir-takoorka badani waa dalalka muslimiinta,waxaana mudan in la is weydiiyo meesha wax ka khaldameen.Sidee ku dhici kartaa in bulshooyin nebigoodu nebi Muxammed(NNKA) yahay,kitaabkooduna Quraanka yahay ay noqdaan kuwa ugu liita dunida xagga fir-takoorka?Su,aashaas jawaabteeda waxaan u dayn akhristayaasha sharafta leh.
Ugu dambeyn waxaan xusuusinayaa soomaalida in Ibliis fir-takoor dartiis uu Alle ula colleytamey,qof kasta oo fir-takoorka iyo qabyaaladda taageeraana uu Ibliis la saftay.
Qof kasta waajib ayaa ka saaran siduu ula dagaali lahaa dhaqankan foosha xun,qof kastana masuuliyaddiisu waxay le,egtahay awooddiisa.Culimmada diinta,aqoonyahannada,dhallinyarada iyo hoggaamiyeyaasha xil gooni ah ayaa saaran,waana in la iska kaashadaa dhammaan sidaan bulshadeenna uga tirtiri lahayn takoorka iyo faquuqa lagu hayo dadka soomaaliyeed.
Dhallinyarada soomaaliyeed oo ah kuwa dhaxlaya dalka,berrina hoggaaminaya waa inay ka kacaan fadhiga,samaystaan ururro la dagaallama cudurkan,samaystaan baro lagu kulmo oo internetka sida facebook,whatsapp,twitter iyo meelaha kale oo dhallinyaradu iigaga aqoonta badan tahay.Dhallinyarada soomaaliyeed dal iyo dibedba waa inay istaagaan oo ka dhiidhiyaan siday dalkooda iyo dadkooda uga badbaadin lahaayeen dulmigan iyo gaboodfalkan baahay.Waa ceeb laga yaxyaxo in qarniga 21aad aynnu u dhaqanno sidii awooweyaasheen u dhaqmayeen kun sano ka hor oo aan waxba inoo kordhin.War soomaaliyey sidani si maaha!!