Boqortooyada Sacuudi ayaa ka fiirsaneysa inay baajiso xilliga xajka, waana markii ugu horreysay tan iyo markii boqortooyada loo aasaasey sanadkii 1932, kadib markii kiisaska coronavirus-ka ee dalkaasi ay gaareen 100,000.
Arrintu si taxaddar leh ayaa loo darsaday oo duruufo kaladuwan ayaa la tixgelinayaa. Go’aan rasmi ah ayaa la gaari doonaa hal toddobaad gudeheeda, ā€¯sarkaal sare oo ka tirsan Xajka iyo Xajka ee Boqortooyada Sacuudi ayaa u sheegay wargayska Financial Times. Waa cibaadooyina sanadlaha ah ee la qabto dabayaaqada bisha Luulyo waa mid ka mid ah kulan diimeedka ee ugu waaweyn dunida, oo sanad walba Boqortooyada Sucuudigu ay soobooqdaan ina kabadan 2 milyan oo xaaji.
Laakiin ka dib markii qaban-qaabiyaasha dhacdooyinka caalamiga ah oo ay ku jiraan Ciyaaraha Olombikada ee Tokyo lagu qasbay inay dib u dhigaan ama baajiyaan sababo la xiriira hargabka coronavirus, Saraakiisha Sacuudiga waxay la kulmayeen cadaadis sii kordhaya si ay tallaabo u qaadaan.