Komishanka Doorashooyinka oo la kulmay wafti ka socda Midawga Yurub iyo waddamada Sweden iyo UK.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Midawga Yurub iyo waddamada Sweden iyo UK.

Waftigaas oo uu hogaaminayay Safiirka Midawga Yurub Mudane. Nicolas Berlanga ayaa sidoo kale waxa ku wehelinayay Safiirka Sweden Mudane. Staffan Tillander iyo Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland, Mudane. Stuart Brown.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay guud ahaan arrimaha doorashada Somaliland oo hawlgalkeedii hadda socdo iyo sii xoojinta doorka taageero ee ay beesha caalamku Somaliland ka siiso arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo hirgalinta doorashooyinka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso