Hogaamiyeyaasha dunida ayaa aallada fogaan araga kaga qeybgalay isniintii xuska 75 aad ee aas aaska Q.M, iyadoo safmarka COVID-19, iyo dhaqaalaha liita ee caalamka ay kamid yihiin caqabadaha dunida hor yaala iyo waxta isku duubnimada ururka oo la unkay dagaalkii labaad ee dunida.
Malaayiin dad ah ayaa lagu qasbay in ay guriyahooda joogaan dhaqaaluhu wuu baaba’ay markii safmarka COVID-19 uu ku baahay caalamka horaantii sanadkan. Hadda dalalka qaar waxay dareemayaan hirkii labaad ee cudurka 193 dal uu xubnaha ka ah ururkan waxay dareemayaan is aaminaad daro gaar ahaan Mareykanka iyo Shiinaha oo xafiltankooda sii koreya.
Qaramada Midoobay waxay sheegtay in munaasabadda ay ku soo aaday xilli uu dunida aafeeyay safmarka corona gaar ahaan arrimaha dhaqan dhaqaale ee bulshooyinka caalamka.
Madaxweynaha Shiinaha oo kulanka ka qeybgalay ayaa isniintii sheegay in dalna uusan awood u laheyn in danaha kuwa kale ku amar ku taagleeyo.
“Dalna xaq uma lahan in arrimaha dunida uu shiikhiyo ama isaga uu maamul, ama isaga ka faa’ideysto horumarka dhammaan kuwa. Xataa in qof wax yar wixii uu doonayay loo ogolaado ama hogaamiyaha dunida. Keligii talisnimo waa ay dhammaatay.” ayuu yiri madaxweyne Xi.
Shiinaha ayaa hadda isku arka hogaamiyaha duni go’aanada la wada leeyahay ka dib markii Madaxweyne Trump uu ka baxay iskaashiga caalamka sida heshiiska cimilada, heshiiskii Iran sidoo kale uu joojiyay xubinimada Mareykanka guddiga sare ee xuquuqul insaanka QM iyo hey’adda caafimaadka ee WHO.
Madaxweyne Trump ayaa ku jirey liiska madaxda khubadaha ugu horeeya jeedin doona laakiin bedelkiisa waxaa hoolka shirka ee QM ka hadashay sii hayaha xilka danjiraha Mareykanka ee QM Cherith Norman Chalet.
Waxay sheegtay in hey’adan ay waxyaabo badan oo la soo maray ay tijaabo ugu filan tahay sidaa darteedna ay jiraan arrimo laga walaacsan yahay.
“QM muddo dheer ayay ka caga jiidaysay is bedel micno elh lagu sameeyo ka dib markii ay lumisay daah furnaanta ayna u nuglaatay agendiyaasha keligii taliyaha iyo digtaatooriyadda,” ayay sheegtay haweeneydan.
Maqanaanshaha madaxweyne Trump ayaa shaki badan abuurtay, dadka waxay is weydiinayaan tani ma arrin si ula kac loo sameeyay baa mise, QM ayaan kamid aheyn waxyaabaha mudnaanta u leh Mareykanka.
Xoghayaha guud ee QM Antonia Guterres ayaa sheegay in safmarka COVID-19 uu caalamka mid kala daadsan.
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in QM u baahan tahay in isbedel lagu sameeyo.
“Golle masiirka ummad ka badan todobo bilyan uu gacanta ugu jira in ay ka koobnaadaan shan dal ma caddaalad baa?,” ayuu yiri madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.