Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa fartay Jaamacadaha gaarka ah iyo kuwa dawliga ah inay deeqo waxbarasho siiyaan ardayda danyarta ah ee sannadkan kasoo baxday dusgiyada sare ee dalka.
Agaasimaha tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Axmed Muuse Muruud ayaa ugu baaqay Jaamacadaha dalka inay fuliyaan balanqaadkoodii hore oo ay waxbarasho lacag la’aan ah u qoondeeyaan ardayda danyarta ah ee sannadkan ka soo aflaxday dugsiyada sare ee dalka.
Wasiirka waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashadu iska xil saartay inay deeq waxbarsho oo dugsi sare ilaa Jaamacad ah inay helaan ardayda saboolka ahi. Waxaanu Jaamacadaha u soo jeediyey inay ardayda danyarta ah siiyaan fursado waxbarsho oo lacag la’aan ah.
Wasiir Axmed Toorno oo farriin u diray ardayda dananaysay deeqahaas waxbarasho ayaa sheegay inay codsiyadooda ku soo hagaajiyaan xafiisyada wasaaradda waxbarashada ee gobollada iyo degmooyinka dalka.