Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Brazil ayaa sheegtay in 24-kii saac ee la soo dhaafay ay diiwaan galisay 1031 qof oo u dhintay cudurka Corona virus, iyada oo sidoo kale diiwaan gelisay 33,413 kiis oo cusub.
Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in kiisaskaan cusub ee la diiwaan geliyay ay wadarta guud ee dadka Corona uu ku dhacay ka dhigeyeyso 4 malyan 810,935 oo qof halka wadarta guud ee dhimashadana ay gaareyso 143,952 qof.
Brazil ayaa kaalinta seddexaad ugu jirta marka la eego dadka uu ku dhacay Corona iyadoo kaalinta labaadna uga jirta xagga dhimashada.