2- Waxba lagama baran cadaadiskii dilkii iyo dhibaatadii dawlada somaliya dadka ku haysay ee cida loo arko in ay kacaanka ka soo horjeedo cagta la marinayey dadkooda iyo qabiilka ay ka soo jeedaan ee wali dawladaha jira iyo maamulada hab dhaqankii ayey wax kala socdaan, qaar na waxaaba aad moodaa in dawladaasi tusaale wanaagsan u ahayd.
3- soomaalidu fursad umay helin dawladnimo wanaagsan oo dimuqaradi ah oo dadkeeda dhaqda oo nolol u abuurta, markii gobannimada la qaatay dawladihii kala dambeeyey ee 9 sanadood oo afkaar dimuqaradiyadeed ha ku dhisnaadaan oo ha ku ololeeyeen e , waxa ay noqday qaar dadku xasuusteen in gumeystihii ay la mid yihiin ama uu isagu dhaameyba waa kii abwaanku lahaa ; ( isma doorin gaalkii aan diray iyo daarta kii galay e ) sidoo kale waa kii Abwaan timacade lahaa ( wiilashii suntay nagu mudeen la is martiyi waayey , ma naxaanadii ayaan meerisna u tolin e ) , markaa ilaa hada dawlad lagu sheego dawladnimo wanaagsan lama hayo.
Dawladahaa hore dadka ayey laynayeen iyaga oo kursiga ilaashanaya oo talada ku dagaalamaya e , waxaa ka dambeeyey qaar aan dub iyo diir naxaa ku oolin oo danyarta iyo masaakiintaasi waxa laga qaado daaro iyo dabaqyo ku jeexday , dadkii u halgamayey dawladnimo wanaagsan in ay helaana niyad jabiyey, waa sababta maanta qof kastaa kuu odhanayo doorashooyinku maxay soo kordhinayaan.
DAWLAD WAYNU NOQON KARNAA HADII DAMIIR NOOL OO ISKU DAMQANAYA LA HELO ;
Ibnu adamka waxa wax u diidaa waa damiirka ee keena in la isku damqado, dadkii waxa kala goostay in shilinka uun eryanaysa oo dadka ay wax ka iibinayaan ee ay wax ka doonayaan aan inaba u damqanayn iyo
In kursi uun ku maqan oo marka ay helaana danahooga iyo danaha inta ladan uun ka shaqeysa , oo mid midka damqashadu ku jirtaana marka wadartu hafiso uu ku dhex niyad jabo amaba uu xanuuno ka qaado ileyn damiir nool iyo damqashaa ku jirta e .
Dawladnimadu waa dadka ilaalintiisa iyo daryeelkiisa, hadii dadku baaba’o ganacsadena jiri maayo dawlad nidaam iyo kala dambayn lehna la heli maayo, markaa waxa aan ku baraarujinaynaa shacabka waar dad idiin damqanaya doorta, oo kuwa idin shiilay ha dooranina, dad idin la duruuf ahi ha idin matalaan ee yaanay idin matalin dad aan waayihiina wadciga aad ku sugan tihiinba war u haynin.
Waxa aad moodaa shuruucda iyo doorashadaba in la adkeeyey si inta wax haysata mooyaane aanay qof danyar ahi u soo bixin, inta aan arkayeyba dadku waxa ay u kala iimaan iyo qanaacad badan yihiin sida ay u kala dan yarsan yihiin.
ma garanayo wax xeerarka loogu culeysiyey hantida iyo dhaqaalaha, dhinac cay iyo ceebayn bay inagu tahay umad ahaan oo hadii looga jeedo waxba la xadayaa, waa gef oo umadu qolada xeerarka sameysay sida ay iyagu yihiin maaha.
Mohamed Abdi Jama ( Mohamed Dhimbiil)