Daawo Waraysigii Xil. GURUUJE caawa Bixiyey oo Dhamaystiran iyo jawaabaha uu bixiyey “Anigu Han baan lahaa….. markii dembe aargoosi….”
” Inaan xisbiga Kulmiye iska soo sharraxo waxaan ku waayay codad badan , degmada Macalin Haaruun (Hargeysa) oo aan deegaan ahaan kasoo jeedo waxaan cod ka heley 1,200 oo cod halka Barkhad Batuun ka heley 12 kun iyo lix boqol oo cod , dadka deegaankayga oo xisbiga Kulmiye ee aan iska soo sharaxay ogolayn darteed ayaan ku waayay codadkaygii oo dhan , waxaan u halgamayay sidii aan dadka uga dhaadhicin lahaa Xisbiga Kulmiye iyo waxaan la qaban doono oo qabyaalada ayaan la dagaalamayay “.
Xil. Axmed Nuur Guruuje .
“Dadkii sawirka galay uunban ka mid ahaa sawirkuna cod maaha, macnaheedu muu ahayn in Faratoon la isla ogolaaday, Danta Somaliland waxaan u arkay inay ku jirtay isu dheeli tirka hayaddaha dawliga ah.
Maanan kala fogaan madaxda Kulmiye iyo xuukumadayda anigu kuwa meesha u joogan ahay ee haday saxsan yihiin riixi doona haday khaldan yihiina waan qabanaya.
Aargoosi anigu umaan codayn, waxaanan is leeyahay doonistaada waad ku saxsanayd”