Hoggaanka Golaha Deegaanka Sallaxley oo Ka Warbixiyay Xaaladda Guud Ee Degmadaas

Hoggaanka Golaha Deegaanka Sallaxley oo Ka Warbixiyay Xaaladda Guud Ee Degmadaas.

Sallaxley (Togaherer)  – Maayar ku xigeenka degmada Sallaxley Eng Maxamed Cabdi Haariye  oo u waramaayay warbaahinta qarqanka ayaa sheegay in guud ahaan xaaladda degmadaasi wanaagsan tahay, waxaanuu intaas ku daray in xubnaha golaha degaanka cusub ee degmada Salaxley ay ku hawlan yihiin sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen kaabeyaasha kala duwan ee horumarka bulshada degmadaas ee soo dooratay.

Eng. Maxamed Cabdi Haariye maayar ku xigeenka degmada Sallaxley waxa kale oo uu sheegay in dhawaan ay dawlada dhexe kala wareegeen gadhi cusub oo lagu qaban doono adeegyada kala duwan ee baahiyaha bulshada ee degmadaas yaal, waxaanuu intaas ku daray in gaadhi hore degmadu u lahayd uu in muddo ahba fadhiyay.

Ugu dambayn guddoomiye ku xigeenka degmada Salaxley wuxuu sheegay inuu degmadu ay ka qayb-gashay tabobar ay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland u qabatay qaar ka mida goleyaashii dhawaan la doortay ee degmooyinka dalka, tobobarkaas u jeedadiisu ahayd sidii goleyaashaasi u baran lahaayeen xeerka maamul daadajinta dawladaha hoose ee dalka, waxaanuu ballan qaaday in arrimaha ay tbobarkaas ka korodhsadaan ay kaga shaqayn doonaan degmada Salaxley ee xilkeeda loo doortay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso