“Subax walba goluhu wuxuu ku furmayaa xildhibaano aan 60 gaadhin, 8:00 subaxnimo ayaynu ballanaa, 9:00kana fadhigu wuu inoo furmaa, 10:00kana waynu kala yaacnaa.
Waxaan soo jeedin lahaa horta maamul baad tihiine (shirgudoonka) in xildhibaannada imanaya fadhiga oo xidhmaya aad qorshe ka yeelataan, haddii kale oo aynu sidan ku sii socono waxa imanaysa in maalinta dembe uu kooramkuba inoo buuxsami waayo, taasina ay cawaaqib xumo u horseedi doonto ummadii xilka inko dhiibatay.
“Haddii Aynu sidan ku sii socono waxa imanaysa inaynu Cawaaqib-xumo u horseedno ummadii xilka inko dhiibatay