Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa mar kale loo doortay in uu Deegaanka hoggaamiyo.
Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayay golaha xildhibaannadu cod buuxa ku doorteen in uu hoggaamiyo 5-ta sano ee soo socota.
Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa talo ahaan u soo jeediyay in madaxweynaha Deegaanku uu noqdo mudane Mustafe si loo meel-mariyo qabyo-tirka isbaddelka horumarineed ee 3-dii sano ee la soo dhaafay Deegaanka ka hana qaaday, goluhuna si aan kala hadh lahayn ayay ugu raaceen.