Biyoxidheenkii Hargeysa oo Beerihii Dadwaynaha lagu dhacaayo.
Waxa dhawaan ku habsaday beerihii halaye oo ka kooban 21 beerood oo ay leeyihiin dadweynaha reer halaye, Wasaarado lagu sheegay ta Arrimaha Gudaha, W/Hawlaha guud, W/Ganacsiga iyo Maalgashiga. Wasaaradahan oo si badheedha u dhagax dhigtay soone ay ku sheegeen soonaha wershedaha Somaliland. Wasiiradaa boobka wada, Gole deegaan lamay tashan, gudoomiyihii Halaye ee beeralayda iyo deegaanka ka masuulka ahaa waxba kamay waydiin, dadkii beeralayda ahaa waxba lagama waydiin. Waxa ay soo dejiyeen ciidan ay ugu talagaleen in ay ku dhibaateeyaan hantidoodii si aan sharciga waafaqsanayn ayaanay u Calaamadsadeen dhul ka baxsan intii Biyoxidheenku ahaa.
Dhulka aan Biyoxidheenka ahayn ee ay calaamadsadeen waa beeraha gaadhaya 21 beerood ee deegaanku gaar u leeyihiin.
Hadaba waxa aanu leenahay wasiirka Arrimaha gudaha iyo wasiirka Hawlaha guud waxa ay Caadaysteen in ay Hawlihii loo doortay Golayaasha deegaanka ee dhulka ay boobaan oo iyagu Joomitirro ka noqdaan oo ay noo gacan dhaafaan. Ujeedadooduna ma aha wershedo dhul la dejinaayo lkn waa nooc ka mida sida qaab shaadhkii dawladnimo loo soo xidhay oo lagu boobaayo hantidii gaarka loo lahaa ee muwaadiniinta.
Waxa aanu la Dareenahay dadkii nasoo doortay waxa aanu kasoo horjeednaa Sifo kasta oo sharci darro oo lagu xalaashanaayo xuquuqda hantida dadweynaha aanu masuulka uga nahay deegaankooda.
WQ xildhibaan Mawliid Maxamed Giire