DAWLADA OO MAMNUCDAY 38 BADECADOOD
OO DALKA KU SOOGALI JIRAY LC‼️
38 badeecooyin oo la sheegay in aan loo hayn lacag qalaad mudo aan la cayimin ayaa la shaaciyay.
Bangiga Qaranka Ethiopia ayaa soo saaray wareegto uu ku mamnuucayo 38 badeecadood ku soo galaan dalka LC mudo aan la cayimin, waxaa kaloo la amray inaan LC- cusub la furin.
Guddoomiye ku xigeenka iyo madaxa dhaqaalaha ee Baanka Qaranka Ethiopia ayaa sheegay in badeecadaasi ay sabab u tahay xawaaladaha sharci darada ah.
Liiska alaabada aan lagu ogolayn lacagta qalaad muddo aan xadidnayn ayaa waxaa kamid ah: baabuurta yaryar cabitaanada sida [ whiskey or beer and other alcoholic beverages] xanjada, shukulaatada, biyaha, sigaarka, artificial decorations iyo agabyo la mid ah ayaa la tilmaamayaa…..👇
Ugu daneen Baanka Qaranka Ethiopia ayaa wuxuu bangiyada ku wargeliyay inay fuliyaan go’aanka cusub ee wasiirka Maaliyaddu soo saaray laga bilaabo Isniinta, Tiqimt 7, 2015, wuxuuna intaa Raaciyey inay talaabo ka qaadi doonaan hay’adaha fulin waaya wareegtadan.