Gudaha ka akhri: Todoba Qodob oo Ka soo baxay Shirka Beesha Garxajis iyo Qodobada ugu mihiimsan Shirka ee aan hore afkooda looga maqal “Hadii ay taasi dhici waydo beeshu waxay goaan ku gaadhay in aan wax doorasho ahi ka dhicin deegaamadeeda”
Warmurtiyeedka Shirwaynha beelaha Garxajis Ee Dal-wanaaje
Shir balaadhan oo maalmihii ugu dambeeyey uga socday magaalada Burco oo ay ka soo qayb galeen dhamaan qaybaha kala duwan ee beesha Garxajis oo bilaabmay 25.10.2022 soona gabagaboobay maanta oo ay taariikhdu tahay 27.10.2022 kaas oo lagu falanqeeyey laguna dhagaystay warbixino kala duwan oo ku saabsan xaalada uu dalku maraayo qiimayna lagu sameeyey dhacdooyinki kala duwanaa ee ka dhacay Somaliland Sanadkii u dambeeyey waxaa shirka u muuqatay in Somaliland Cagta saartay Wado hubanti laan ah oo khatar ku keeni karta wadajirkeedii iyo jiritaankeedii kadib markii uu madaxweynuhu si badhaadh ah uga leexday sharcigii, dastuurtii, wadatashigii iyo isu tanaasulkii dhaqanka u ahaa Somaliland isla markaana uu ku gacan saydhay fashiliyey dhamaan dedaaladii ay wadeen haldoorka bulshada Somaliland sida madaxdhaqameedka, culimada, ganacsatada iyo cid kasta oo lexjeclo ka qabtay Somaliland si xall loogu helo is marinwaaga siyaasadeed ee ragaadiyey geedisocdka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka Somaliland, waxaa shirku soo saaray qodobadan hoos ku qoran:
-
-
- Beelwaynta Gaxajis waxay u taagan tahay wadajirkii iyo wax wada lahaashihii Somaliland ay ku wada dhisteen dawladnimada
- Beeshu waxay goaan ku gaadhay 13 November ka hor oo ku eeg mudo xileedka madaxweynaha iyo kuxigeenka in la helo heshiis ay u dhan yihiin sadexda xisbi Qaran ee jira oo lagu qabto doorashadii madaxtooyada mudadii farsamo ee ay gudida doorashooyinku soo cayimeen. Hadii ay taasi dhici waydo beeshu waxay goaan ku gaadhay in aan wax doorasho ahi ka dhicin deegaamadeeda.
- Mudo kordhintii ay guurtidu u samaysay madaxweynaha ma waafaqsana dastuurka dalka qodobka 83aad fiqradiisa shanaad sidoo kalena kumuu iman heshiis sidaa darteed beesha Garxajis Waxay ka soo hor jeeda mudo kordhin kasta oo aan waafaqsanayn shuruucda dalka ama aan ku iman heshiis loo dhan yahay .
- Jiitanka Khilaafka Siyaasadeed ee ka jira wadanka waxa uu keeni karaa halis nabad-gelyo oo saamaysa Somaliland iyo gobolka Geeska Africa sidaa daraadeed beesha Garxajis waxay ku baaqaysaa in beesha caalamka iyo daneeyayaasha siyaasadeed sid deg deg ah u soo faragaliyaan si loogu soo celiyo xukuumada dariiqii sharciga ahaa.
- Dilkii iyo tacadiyadii ay xukuumadu kula kacday dadkii samaynayey mudaaharaadadii salmiga ahaa waxa uu ahaa xasuuq qorshaysan, beeshu waxay daba joogtaa cidii gaysatay fall-dambiyeedyadaas waxaanay dalbanaysaa in lagu sameeyo baadhitaan caalami ah.
- Beesha Garxajis waxay ku baaqaysaa in la soo celiyo kala madaxbanaanidii iyo isu dheeli tirkii dhidibada ay Somaliland ku taagan tahay Oo kala ah ( Fulin, garsoorka iyo baarlamaanka) Oo isugu ururay gacanta Madaxweynaha.
- Beesha Garxajis waxay ku baaqaysaa in xukuumadu ay faraha kala baxdo ganacsiga madaxa banaan ee dalka shuruucda lagu maamulayana aan la siyaasadayn iyadoo lagu fushanayo dano gaar ah.
-
Gunaanad:
Shirku wuxuu ku baaqayaa dhamaan beelaha Somaliland ee jecel nabada iyo wadajirka umada Somaliland in ay isu taagaan badbaadinta dalka Somaliland.
Wabilaahi tawfiiq.