Dowladda UK ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Dacwad oogaha guud ee dalka Iran

Dowladda UK ayaa cunaqabateyn ku soo rogtay Dacwad oogaha guud ee dalka Iran, ka dib markii Iran ay dil toogasho ah ku fulisay wasiir ku xigeenkii hore ee Gaashaandhiga Alireza Akbari kaas oo haysta dhalashada Uk iyo Iran balse Iran ku eedeysay inuu ahaa Basaas u adeegaya Ingiriiska.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Britain, James Cleverly ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Mohammad Jafar Montazeri uu yahay mid ka mid ah dadka ugu awoodda badan garsoorka dalka Iran, isla markaana uu mas’uul ka yahay adeegsiga ciqaabta dilka ee dalkaas iyo sidoo kale tii lagu dilay muwaadin u dhashay Britain kaas oo Dowladda Iran sabtidii daldashey.

Advertisement

Ku Xayeysiiso