“Arrimaha Laascaanood waxa u Midoobay xoogag badan oo aan isku meel u socon oo ay ka mid yihiin Masuuliyinta Puntland ee deegankan ka soo jeeda iyo Soomaliya

“Arrimaha Laascaanood waxa u Midoobay xoogag badan oo aan isku meel u socon oo ay ka mid yihiin Masuuliyinta Puntland ee deegankan ka soo jeeda iyo Soomaliya.

Dawlada Somaliland arrinkaas way la socotaa wayna ogtahay.

Rejo fiican ayaanu qabnaa in arrinta Sool soo dhamaato si kasta ha la isku la daaladhaco waxaanu rajo fiican ka qabnaa in marka danbe is fahan yimaado.

Wakhtiga ay qaadnayso ma odhan karo intaasay qaadanaysa se waxaan rajaynayaa in wada hadalku bilaabmo oo talo walalnimo iyo ehelnimo lagu dhameeyo.”

Wasiir Koore oo Twitter Space Faahfaahin kaga bixinaya xaalada Laascanood.

Advertisement

Ku Xayeysiiso