Wakaaladda Biyaha Hargeysa ayaa si rasmi ah uga mid noqotay ururka ay ku midoobeen Wakaaladaha Dawliga ah ee biyaha ka shaqeeya ee lagu magacaabo Global Water Operators Partnerships Alliance ( GWOPA) , kaas oo xaruntiisu tahay magaalada Bonn , Germany. Ururkan waxaa mid ah boqolaal Wakaladood oo biyaha ka shaqeeya, kuna yaala Qaaradda Afrika , Asiya , Yurub , Waqooyiga America iyo Koonfurta America .