Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland oo maanta Hargeysa ku shiray ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland waddo iskudhac bulsho oo la xidhiidha ceelka shidaal ee laga qodayo deegaanka Xood ee gobolka Togeheer.
Xildhibaanada ayaa sheegay in munaasabadda daahfurka ceelkan oo qorshuhu ahaa markii hore in laga dhigo Burco hadda xukuumaddu u beddeshay Hargeysa arrintaas oo ay gaf ku tilmaaneen.
Sidoo kale xildhibaan Cabdilaahi Yuusuf, oo u hadlay xildhibaanadan ayaa sheegay in aan dadka deegaanka iyo xildhibaanada metela lagala tashan islamarkaana aan loo sheegin sida loo maamulayo haddii shidaal ka soo burqado Ceelkan iyo dheefta dadka deegaanku heli doonaan.
Xukuumadda Somaliland ayaa qorshaysay in 7-bishan ay Hargeysa ku qabato munaasabad lagu shaacinayo bilowga qodiska Ceelka Xood ee degmada Qoryaale ee gobolka Togdheer.