๐๐ผ๐น๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐๐๐ฟ๐๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐ฆ๐ผ๐บ๐ฎ๐น๐ถ๐น๐ฎ๐ป๐ฑ ๐ผ๐ผ ๐ฆ๐ต๐ฎ๐ฎ๐ฐ๐ถ๐๐ฎ๐ ๐๐๐ฑ๐ฑ๐ถ๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ผ๐ผ ๐ซ๐๐น๐ถ๐๐๐ฎ ๐ซ๐๐ฏ๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ ๐๐ผ๐บ๐ถ๐๐ต๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐ซ๐๐พ๐๐๐พ๐ฑ๐ฎ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐บ๐ฎ๐ต๐ฎ
Xog-hayaha guud ee golaha guurtida Somaliland Garyaqaan Cabdinasr Aadan Beegsi ayaa sheegay in guddida soo xulista xubnaha komishanka xuquuqda aadamaha qaranku ay yeesheen kulankoodii u horeeyay, sida ku cad xeer num/39/2023.
Xog-hayaha golaha guurtida ayaa sidoo kale sheegay in guddidaasi soo xulaysa komishanka uu Madaxwaynuhu magacaabay kuwaasi oo kala ah laba xubnood oo ka imanaya golaha guurtida iyo sidoo kale laba xubnood oo ka imanaya Garsoorka iyo sadex xubnood oo uu madaxwaynuhu soo magacaabo kuwaasi oo magacyadoodu kala yihiin.
Maxamed Cabdiraxman Cali
Axmed Saleebaan Jaamac
Cali Xasan Cawaale
Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble
Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur
Garsoore Cabdiraxman Xuseen Caynaan
Xildhibaan Axmed nuur aw-Cali Aadan
Xog-hayuhu waxa uu intaasi ku daray in ay guddidu doorteen gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen kuwaasi oo kala ah Dr. Axmed Saleebaan Jaamac iyo Garsoore Cabdiraxmaan Xasan Nuur.
Geboโgabadii waxa uu sheegay inay soo saareen wargalinta abuurista xafiiska Komishanka Xuquuqda Aadamaha ee shanta sano ee soo socda madaama oo ay mudadii ka dhammaatay komishankii hore, waxaanay ku wargaliyeen dhammaan muwaadiniinta danaynaya inay ka qayb galaan tartan xulista komishanka Xuquuqda Aadamaha ee qaranka Somaliland inay furanka qabashada araajida codsigu.