Ciidanka Qaranku wuxuu u dhisan yahay (Organizational structure) guutooyin isku dhafan

BEENIN WARARKA BARAHA BULSHADA

——

“Ciidanka Qaranku wuxuu u dhisan yahay (Organizational structure) guutooyin isku dhafan, guuto walba askarteedu waxay ka kooban yihiin beelaha Somaliland, meesha loo asteeyo ka hawlgasha.

Laga soo bilaabo maalintii dagaalka Laascaanood bilaabmay 6/2/2023, ilaa dagaalkii u danbeeyey ee Jimcihii 25/8/2023, horeyso iyo danbayso, ma jirin ciidan beeleedyo gaar isku xidhan oo goobo gaar ah degan, imika oo ay Oog soo degeenna guuto-guuto ayey u degen yihiin.

Sidaas darteed, ma jirto ciidan kala shakiyey ama isbasaasay.”

 

Madaxa Hogaanka Ciidanka Taliska Guud

Lt. Saciid Aadam Cabdi … Hargaysa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso