Xisbiga Waddani oo cabeeyey tacadiyada sii badanaya ee xukuumada Somaliland
“Cambaarayn Xadhig Sharci Darro ah
Xisbiga WADDANI waxa uu cambaaraynaya xadhigga sharci darrada ah ee habeenimadii Khamiista oo taariikhdu ahayd 07-Sep-2023 magaalada Hargeysa loogu gaystay Abwaan Caydaruus Maxamuud Cabdillaahi (Shacraawi) oo ka mid ah dhallinyarada hal abuurka ah ee dalka.
Abwaan Shacraawi waxa xorriyaddiisa looga qaaday si baalmarsan sifaha sharciga, iyada oo aan dariiq sharci loo marin markii la xidhayay. Xadhiggiisu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo si weyn u dhawray xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.
Waxaa arrin laga xumaado ah in aanay ciidanka boolisku muujin wax masuuliyad ah markii la xidhayay Abwaan Shacraawi oo laga qabtay madal boqolaal qof ku sugnaayeen taas oo sababi karaysay isku dhac booliska iyo bulshada ah.
Waxa kale oo walaac leh in madal aqoon iyo farxad lagu qaadanayay ciidamada boolisku fal noocaas ah ka sameeyaan taas oo niyad jebinaysa dhallinyarada hammiga leh ee jecel in ay hibadooda soo bandhigaan.
Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay si shuruud la’aan ah oo dhakhso ah ku soo dayso Shacraawi islamarkaana joojiso tallaabooyinka eheladiisa iyo asxaabtiisa lagaga hor joogsaday in ay booqdaan.
Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI
Mudane Yoonis Axmed Yoonis