WAR_CUSUB: 70 askari oo ka socda Israaiil iyo Maraykanka ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay dalka Yemen,

#WAR_CUSUB: 70 askari oo ka socda Israaiil iyo Maraykanka ayaa la rumaysan yahay in lagu dilay dalka Yemen, halkaas oo ay si dhuumasho ah ku galeen, iyagoo doonayay in ay gudaha ka dagaallamaan oo ay Xuutiyiinta ku qasbaan inay furaan Marinka Bab al-Mandab, sida ay ku warrameen saxaafadda iran iyo Yemen Xidhiidhka laleh.

 

Ciidamada la dilay oo ahaa Kumaandoos ka kooban 70 calooshood u shaqeystayaal ah oo israa’iil iyo Mareykan ah ayaa gudaha u galay Yemen balse waxaa weerar gaadmo ah ku qaaday Xuuthiyiinta, mana jirto cid ka badbaaday.

 

Ciidamada oo ahaa kuwa si gaar ah u tababaran, ayaa rumaysan yahay in ay ka dusay meelo cidlo ah oo ka mid ah dalka Yemen, balse waxaa arkay Dayax gacmeed Ruushku leeyahay, xogtaasi waxaa lala socodsiiyay Iran, isla markiiba Sirdoonka Iran waxay wargalyeen Xuutiyiinta.

 

Xuutiyiintu waxay u dhigeen dabin iyagoo u galay jid-goyn aanay filaynin waxaana halkaas lagu dilay dhammaan ciidankii hubaysnaa Gudaha u galay dalka Yemen sida uu sheegay Khabiir ciidan oo Maraykan ah oo arrintaasi laga waraystay.

 

Ma jiro War kasoo baxay Israaiil iyo Maraykanka oo ku saabsan in ciidan tiradaas ah lagu dilay gudaha Yemen, inkasta askarta dhimatay lagu tilmaamay Calooshooda u shaqaysteyaal daacad u ah labadaas dawladood.

Advertisement

Ku Xayeysiiso