Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta xafiiskooda kulan kula yeeshay Saraakiil ka socda Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda UNDP

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta xafiiskooda kulan kula yeeshay Saraakiil ka socda Midowga Yurub (EU) iyo Hay’adda UNDP.

Kulanka ayaa labada dhinac iskaga xog-waraysteen hawlaha diyaargarowga doorashooyinka Madaxtooyada iyo Xisbiyada,

Waxa kale oo ay ka wada hadleen Qorshaha tababarka Ciidanka ee dhanka sharciga iyo xeerarka doorashada, si kor loogu qaado aqoonta Ciidamada ka qayb qaadan doona suggida amniga doorashada.

Advertisement

Ku Xayeysiiso