“Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye waxaan waydiinayaa

“Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse Biixi Cabdi, ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye waxaan waydiinayaa su’aal:

 

“Mudane Madaxweyne, doorashadii 2017 waxaan kuugu codeeyay oo aan kugu raacay inaan filayay inaad tahay ninka ugu mudan murashaxiinta xilligaas, ahna mujaahid dalka xuduudihiisa difaaci kara, dadka & dalkana hore u wadi kara.

 

Balse tijaabadii soo baxday muddadii aad xilka haysay waxay muujisay in bulshada Somaliland ay ku hungowday filashadii ay kaa qabtay oo ahayd inaad fulin-karto ugu yaraan qodobadan hoos ku xusan:

 

1. Kalsoonida & is-aaminaada bulshada Somaliland

2. Isku-haynta dadka iyo dalka Somaliland

3. Sugidda amniga iyo xuduudaha qaranka, iyo difaaca dadka iyo dalka Somaliland.

 

Maanta, bulshada Somaliland waxay ka dharagsantahay inaad faro-madhan ka taagantahay dhammaan qodobadan sare ku xusan, iyo qaar kale oo tiro badan.

 

Haddaba, su’aashaydu waxay tahay:

dadka Somaliland ee hore kuu soo tijaabiyay, isla markaana arkaya inaad ku fashilantay hogaamintii dalka maxay kugu aaminayaan maadaama intii laguu filayay hore loogu hungoobay?”

 

Axmed Muumin Seed

Advertisement

Ku Xayeysiiso