Guddoomiyaha Gobolka sanaag Axmed Cabdi Muuse oo ka hadlay xaaladda ceerigaabo ayaa qoraalkan baahiyey

Guddoomiyaha Gobolka sanaag Axmed Cabdi Muuse oo ka hadlay xaaladda ceerigaabo ayaa qoraalkan baahiyey”

 

Ceerigaabo waa nabadgelyo, bulshaduna si nabdoon bay u wataan howl maalmeedkooda, Alle ayaanu ugu mahadnaqaynaa markasta

 

nabadgelyada ceerigaabo waa mid ay tacab badan galiyeen dhalinyarada, haweenka, madax dhaqameedka iyo waayeelkooda oo isku duubani.

 

Nabada ceerigaabo ma aha mid social media iyo meel la mid ah laga jawi bedeli karo, cid kasta oo been iyo xasarad ka wada social media waxan odhan lahaa alle ka cabsada oo hubsada waxa aad sheegaysaan,

 

Ka maamul ahaan ma ogin waayeel nabad diiday iyo cid isku khilaafsan nabada ceerigaabo, si buuxda waxanu uga wada shaqaynaynay nabadgelyada waanuna sii wadi doonaa insha allah

 

Waxan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan bulshada ku dhaqan magaalada ceerigaabo sida milgaha leh ee ay u gacan siinayaan ciidanka kala duwan ee sugaya amaanka magaalada

 

Alle nabada ha inoo adkeeyo

Advertisement

Ku Xayeysiiso