Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli oo baaq nabadeed ka soo saaray xiisadda koonfurta Gobolka Sanaag

Suldaanka Guud ee Beesha Warsangeli oo baaq nabadeed ka soo saaray xiisadda koonfurta Gobolka Sanaag

Ugaas Berde

 

BAAQ NABADEED.

 

Anigoo ah Suldaanka Guud ee Beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud waxaan baaq nabadeed u dirayaa beelaha deegaan-wadaagta ah ee colaaddu ku dhexmartay magaalada Ceergaabo iyo degaannada ku dhow.

 

Waxaan ugu baaqaya dhammaan beelaha dhibtu ka dhex dhacday inay nabadda qaataan, dhibtana halkaas ay maanta joogto lagu xakameeyo, sidoo kalena loo dhego nuglaado dedaallada nabadda ee ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee Gobolka.

 

Waxaan ugu baaqayaa waxgaradka gobolka iyo odayaasha dhaqanka inay dedaalkooda nabadeynta sii adkeeyaan, lana kaashadaan waxgaradka darafyada labada dhinac ee dhibtu dhexmartay IWM.

 

Waxaan sidoo kale tacsi la wadaagayaa ehelada dadkii ku dhintay dhibataas in Ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo, intii dhaawaca Alle u boogo dhayo.

 

Waxaan bulshada Gobolka Sanaag iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedba Alle uga baryayaa inuu colaadda iyo dhibka ka saaro.

 

WABILAHI TOWFIIQ

Advertisement

Ku Xayeysiiso