Xadhiga Maxamed Abiib waa cadho ka dhalatay SNM ma jecli, ee muu odhan Somaliland ma jecli

“Xadhiga Maxamed Abiib waa cadho ka dhalatay SNM ma jecli, ee muu odhan Somaliland ma jecli.”

 

Xildhibaan Axmed khaliif Jaamac Saalax ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib Akhriso qoraalka uu kaga hadlay oo sidan u dhigan;

 

“Waan ka xumahay Xadhiga Sharci Darada ah iyo Afduubka ah ee loo geystay Saaxibkey Xildhibaan Maxamed Abiib. Waa Mid baalmarsan dariiqa sharciga ahaa ee wax lagu xidhi jiray

 

In Masuul Qaran oo Xildhibaan Qaran ah oo xasaanad leh , La afduubto oo maro Madaw Madaxa loo galiyo sidii inuu Argagixiso yahay , waxay ceeb iyo Magac Dil ku tahay Qarankan.

 

Xadhiga Maxamed Abiib waa Cadho kadhalatay SNM ma jecli, ee muu odhan Somaliland Majecli,

 

SNM wax la wada leeyahay maaha ee SNM aniga iyo dadka aan kasoo jeedo ayay gaar u tahay , cid kasta oo aan ku abtirsan SNM Ku ceebsan maayo inay SMM diido, waayo wax lawada leeyahay maaha ee dadku SOMALILAND bay wada leeyihiin.

 

Sidaas awgeed Waxaan la wada lahayn in dadka sanka laga galiyana wax wanaagsan maaha.ee waxii lawada leeyahay ee ina mideeya ee aan heshiiska kunahay aan wada ilaashano.

 

SNM waxay ahayd taariikh laga soo gudbay , Taarikhdana Casharo iyo waayo aragnimo nololeed baa laga bartaaa ee Taarikhda lasoo dhaafay laguma noolaado.

 

Ugu Dambeyn Madaxwayne Muuse Waxaan leeyahay Kusoo Noqo sharciga, Xildhibaan Abiib Maheysan kartid oo walaahiya Kuumana xidhnaan karo , Magaranayo Caqligaagu Siduu yahay ama cida kugula talisay inaad xildhibaan xasaanad leh aad xidho oo ilaa Jeelka Mandheera aad gayso oo waliba aan ogahay oo waliba aan hubo inaad siideyneyso sida ugu dhakhsaha badan leh .

 

Dalku SHarci Buu leeyahay ee sharciga Hadii laga Boodana Wax fool xun baa kayimaada inta aanay waji fool xun arrintaasi keenin Waxaan kuu soo jeedinayaa Mudane Madaxwayne inaad xoriyadiisa dag dag loogu soo celiyo xildhibaan maxamed abiib yuusuf .

 

Somaliland in laisku Hayo oo dadka laisku soo jiido oo laisku dulqaato ayay ubaahan tahay oo samir iyo wanaag wax lagu wado, Xadhiga siyaasiga ah Nac iyo Tafaraaruq unbaa ka dhasha ee wanaag ma keeno .

 

Wabilaahi Tawfiiq .”

Advertisement

Ku Xayeysiiso