Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha, halkaasi oo uu kaga qeyb galayo Shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha.
7
Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa lagu gorfeyn-doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.