GUUR-TIDII Madaxa Ayay Durtaba La Soo Ka ceen

(Golaha Masiibo Ku Macaash )

Ma Waxaad Aragtay 82 Nin oo aan lasoo dooran Marka laga tago 10 oday ee ka hadhay odayaashii lagu so xulay nidaamkii beelaha
Intooda kale ay KU yimaadeen Dhaxal Tooyo sidii Boqortooyada.
Oo Qaata Mushaharka ugu badan ee dalka laga qaato mudo ka badan Labaatan Sanno
Misna aanay ku filnayn oo bartay dhadhamo ay ku qabaan kolba xukumada Taagan Xilaga La Joogo ee talada haysa .
Waxay KU Macaashaan inta badan Xeerarka Lagu Dhaxal Wareejinayo Hantida Ma Guursada Ah ee dalka Sida Dekadaha Iyo Airport yada oo ay ka Mid Ahaayeen
Dekadii Barbara iyo Gegadii Diyaaradaha ee isla Barbera oo aad arkayseen waxay ka dhex Samaynayeen Aqalka Golaha Wakiilada oo ay Maroor-Sadeen Gudoomintii Labada Golle
Waxa intaa u dheer Waa Laba iyo Sideetanka 82 Xubnood ee Kaliya ee Ku Farxa Marka ay Timaado Masiibo Dabiici ah Sida Abaaro Baahsan, Dagaal Sokeeye , Duufaano , Dhul-Gariir , Ama Mid Ka Mida Cururada Halista ah ee Faafa ,
Sababta Ay ugu Farxaan amaba ugu Ducaystaan inay mar walba ariman halista ahi soo noqnoq daan waa .
Inay U Sameeyaan Mudo-Kordhin Xaaraan ah Kolba Xukuumada Markaa Talada haysa iyaguna Ay Waxoogaaga yar ee la yidhaa #Kordhin_Ku_Macaashka u Qaataan
Waxay Ka Mid Yahiin Masiibooyinka laga Ducaysto oo waxaan odhan karnaa intaynu Masiibo Dadkeenu ka Ducaysanayo Rag baa Jira Ku Ducaysanaya oo Macaal Saaxafada aanay is arag inta Masiibooyinkan kor ku Xusan Mid Ka Mid Ahi Dhacayso
Waxaynu ka baxnay imika oo ilaahay inaga soo jabiyay abaaro xun xun oo is daba socday laba Sanno oo isku Xigay .
Talaabada Qudha ee ay Guurtidu Qaaday Waa inay Ku Dhawaaq day Mudo Kordhin iyada oo aan Wax kale oo barnamij ah haday tahay ka qayb noqsahada gurmadka Abaaraha iyo dhanka Wacyi Galinta Toona aan Qayb Ka Noqon .
Waxaa Maanta Cudur Xun oo masiibo ahi ka dilaacay Gobolka Togdheer iyadoo Waliba Maanta na La sheegayo inuu usoo talaabay Dhanka Gobolka Saaxil oo iyana Maanta Dhawr Qof Lagu Arkay Dhimaahana Jirto
Ayuu Isla Saaka Gudoomiyaha Golaha Guurtidu U Yeedhay Saaxafa isagoo Markiiba Afka Ku Dhuftay inaan Doorasho La Gali Karin
Miyay naan Odhan Karin Golahaa Magaciisii Guurti Maahee Waa
Gole MASIIBO KU MACAASH

by..   Maxamed Ibrahim Timacase

Advertisement

Ku Xayeysiiso