24kii August 2006 waxa Maansoor Huteel lagu qabtay munaasibad lagu xusayey sannad-guurada 7aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka HYDA oo ah ururka ugu da’da weyn ururrada dhallinyarada Somaliland marka laga reebo HAVOYOCO. Marti-sharaftii ka soo qaybgashay waxa ka mid ahaa Guddoomiyihii Xisbiga Kulmiye ahna madaxweynaha hadda Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” iyo Guddoomiyihii Kulmiye ee gobolka Maroodji-Jeex AHN Cismaan Cabdillaahi Cigaal “Cismaan-Hindi.”
Furitaankii munaasibadda waxa ku yimid dib-u-dhac ay sabab u ahayd Wasiirkii Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Maxamuud Siciid Maxamed oo waxoogaa soo habsaamay. Intii wasiirka la sugayey waxa sheekooyin kaftan ah oo aanu qosol ula dhacnay barxadda huteelka si farshaxanimo leh noogula wadaagay Guddoomiye Axmed-Siilaanyo oo u duur-xulayey xukuumaddii UDUB. Wuxu yidhi:
“Markii ay waddamada Afrika xornimada qaateen, ee ay sannado haysteen, ayaa laga yaabay hab-dhaqankii madaxdooda, kadibna waxa laga sameeyey riwaayado kaftan ah oo lagu dacaayadaynayo ama lagu toosinayo. Kaftanadaa waxa ka mid ahaa ninka Afrikaanka ah ee madaxda ahi shaqada ma iman jirin ilaa uu soo habsaamo oo dadkoo dhami ay isa sii tubaan xafiiska. Gabadha xoghaynta ah ayuu telefoon u soo diri jiray oo uu odhan jiray dad badani ma joogaan xafiiska hortiisa. “Haa” marka ay tidhaah ayuu iman jiray. Marka uu gaadhiga ka soo dago ayaa dadka oo dhami wada istaagi jireen. Marka uu xafiiska galana albaabka ayaa la kala boobi jiray. Askarta ilaaladiisu waxay ku mashquuli jireen kala-celinta dadka. Sidaa wuxu ku dareemi jiray madaxnimo. Haddii uu dadka ka soo horreeyo wuxu isku arki jiray in uu meel kaga dhacay haybaddii madaxnimo, nafsiyana muu dareemi jirin in uu madax yahay…”
Kaftan labaad oo isla arrintaa la xidhiidha ayuu Guddoomiye Siilaanyo noogu daray. Wuxuna yidhi “Waxa taas ka darnayd sida ay u canaadi jireen dadka saxeexa uga baahda. Marka ay cidi dan u yeelato, si kastoo muraadkaasi sharci u yahay, ninka madaxda ahi hawl yari uma saxeexi jirin. Muddo ayuu meermeerin jiray. Kadibna waxay noqon jirtay qofkii adeegga xaqa u lahaa in uu wasto iyo cid arrinka u fududaysa raadsado. Marka ay dad badani culays soo saaraan, ee ergadu dhinacyo dhawr ah kaga timaad, ayuu saxeexi jiray. Madaxdaas Afrika waxay ku fikiri jreen “Haddii aad markaaba danta kugu xidhanta dadka u dhammayso, ma dareemayaan in aad madax tahay. Haddiise aad muddo raajiso, baahi badan baa lagu qabayaa oo aad baa laguu raadinayaa laguuna hadal-haynayaa. In aad madax tahayna si fiican baa loo dareemayaa.”
Guddoomiye Siilaanyo wuxu noo sheegay in dhaqankaasi ahaa mid dib-u-socod ah lidna ku ah mabaadii’da maamul-wanaagga, madaxda ku dhaqantaana ay yihiin kuwo aan isku kalsoonayn. “Waana ta hadda taagan” ayuu yidhi isagoo ula jeeda xukuumaddii UDUB. Waanu wada qosolnay.
Markii uu Siilaanyo madaxweynaha noqday, ugu yaraan sannadkii koowaad waxan dareemay in uu qodobkaas wax ka qabtay. Saacadihii shaqada ayaa la kordhiyey. Hay’adaha dawladda waxa lagu dhajiyey warqad muujinaysa saacadaha shaqada. Xafiis maamul-wanaagga qaabilsan ayaa la sameeyey. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkuna marar dhawr ah ayay subaxnimo hore soo kormeereen xafiisyada dawladda si ay u soo eegaan cidda waajibkeedii gudanaysa iyo cidda ka seexatay.
Hase ahaatee dardartaasi sida muuqata ma ay waarin. Xafiisyo badan oo muhiim ah marka aad adeeg u doonato way adag tahay in aad si sahlan oo la isku hallayn karo ku hesho madaxda aad u baahan tahay ee awoodda u leh fulinta arrinka aad u socoto. Muddo dheer baa lagu warwareejinayaa ujeeddo la’aan ama ujeeddo khaldan darteed.
Masuul kasta waxay dadku xaq ugu leeyihiin in ay dhakhso uga helaan adeeggii uu u igmanaa. Sidoo kale qof kasta oo masuul ah oo mushahar dawladeed qaata wuxu qaranku xaq ugu leeyahay in uu shaqeeyo toddobaadkii ugu yaraan 40 saacadood sida uu dhigayo sharciga shaqada ee Somaliland. Masuulkii aan lahayn karti iyo hufnaan uu waajibaadkiisa ku guto waxa u habboon in uu ka shaqeeyo meherad uu gaar u leeyahay oo u saamaxda in maalinta uu doono uu iska seexdo marka uu doonana uu soo tooso.
Haddii aad tahay masuul dawladeed, darajadaadu heerka ay doonto ha noqoto’e, ogsoonow in indhaha dadweynuhu ku hayaan oo aanay dhuumasho dhabarku muuqdaa muddo dheer shaqaynayn. Ogsoonow in ay taariikhdaadu qormayso. Garawso masuuliyadda laguu igmaday. In yar fikir oo dib isku qiimee. Ha la seexan awoodda lagu siiyey si aad dadka ugu adeegto. Ha la seexan saxeexa iyo shaambadda. Kuna xisaabtan berito waxaad dadka ka filan kartaa wixii aad maanta gashato.
“Ha is odhan cidi kuma arkaysee, iska seexo!”