XIRSI WAXA UU QIRAY IN MURASHAXA WADDANI YAHAY HOGAAMIYE JILICSAN OO LAGU SHAQAYSAN KARO,LAHAYNA ITIJAAH SIYAASI AH OO CAD.
W/Q Maxamed Dahir Axmed
Xirsi waxtar buu isyidhi murashaxiisa balse waxa uu banaanka keenay fikirkii Mudane Cirro laga aaminsanaa ee ahaa hogaamiye jilicsan oo koox iyo ashkhaas gaar ahi ku adeegato,arrimihiisuna isku dhexdaadsanyihiin,aan lahayna itijaaha siyaasi ah oo cad,kuna dhiiran karin in uu go’aan gaadho marka ay xaaladu meel xun marayso.
Xirso hogaamiyaha uu rabo iyo ka ay Somaliland rabtaa ma isku mid baa?,jawaabtu waa maya,Xirsi waxa uu rabaa hogaamiye magac u yaal ah,arrimaha uu rabana ka fushada,kana hor iman siyaasadihiisa qaran dumiska,qaloocinta maamulka,musuqa,qabyaalada,iyo iska hor keenka bulshada ku dhisan.
Halka shacabka Jamuuriyada Somaliland rabaan hogaamiye kala dabaasha caqabadaha kaga xeeran gudaha iyo dibada dalkooda. Hogaamiyaha caynkaasi ahi waa mid leh itijaah siyaasi ah oo cad,koox amba shakhsina ku adeegan,diidi karana damacyada qurucan ee dadka qaar wataan,go’aana qaadan kara marka ay xaaladu meel adag taagan tahay. Hogaamiyaha Somaliland u baahantahay waa ka noocan ah,nin taliya,dadkana haga,waxna diidi kara ,hadaad Xirsow adigu u taqaano hogaamiye qalafsan,xaqiiqadu waxa ay tahay ma aha hogaamiya qalafsan Murashaxa Kulmiye Mudane Muse Bixi Cabdi ee waa hogaamiye,hogaamin toosan leh,oo aan dhagaysan majarahabaabinta afmiishaarka,siyaasiga ka taajira xoolaha umadda sidaada oo kale,balse dhagaysta dadka ay mudantahay in la dhagaysto,kuna ixtiraama qof walba waaya aragnimadiisa , aqoontiisa iyo takhasuskiisa gaar ahaaneed.
Maanta Bulshada Jamhuuriyada Somaliland waxa kaga xeeran gudaha caqabado badan sida dhaqaale xumo,madax dhaqameed faraha ka batay,afmiishaar kaalintii waxgaradka galay,qanacsato xakamaha goostay,bulsho wada da’yar ah jihayn iyo in fursado loo abuurana u baahan,hoos u dhaca tayada adeegyada arrimaha bulshada sida waxbarashada,caafimaadka (gaar ahaan tayada dawooyinka iyo cunooyinka). Xal u helida arrimaha noocan ahi uma baahna hogaamiye cid walba raali galiya,cid walbana u qosla,balse waxa ay u baahantahay hogaamiye u babac dhiga,xal u helidoodan si dhab ah ooga hawlgala isagoo adeegsanaya mushkilad kasta cida aqoonta iyo khibrada u leh.
Gobalka Geeska Afrika iyo Qacanka carbeed waxa inagaga xeeran colaado u baahan in lagaga gaashaanto hogaamin adag oo laysku halayn karo. Xagan Yeman ayaa ka holcaysa,xagan kalana Soomaliya ayaa ka holcaysa,dhinacan kale Jabouti iyo Eriteriya ayaa isla ildaran. Waxa sidoo kale mandaqada aynu ku noolahay saamayn culus ku leh xurgufta dalalka khaliijka ka jirta,taasi oo ka dhalin karta Geeska africa isku dhacayo lagu kala matalayo dalalka khaliijka isku haysta (proxy wars).
Hadaba,bulshadan Somaliland ee ku nool goob nabad ah,balse coolado ku xeersan yihiin,yaa wadi kara (Cirro)hogaamiya jilicsan,dabacsan,dhinac walba dabayshu u qaado,koox gaar ahi ku shaqaysto,marxaladihii bulshadan ugu daraana aan waxba gashan,mise(Muse BIIXI) hogaamiya lagu seexan karo,bulshadiisa la dareen ah,afmiishaar iyo qabqablana aanu wax marsan karin,bulshadiisa u hiiliyay wakhtigay ugu darayd. Jawaabta way cadahay,Bulshada Somaliland waxa ay u baahan tahay hogaamiye la isku halayn karo,lagu seexan karo,laguna daba faylo balse aan isagu xaga danbe faylka ka qabsan sida Mudane Cabdiraxman cirroo kale.
Waa iga su’aale,ma hogaamiye jilicsan ayaynu ka horgayn karaa wiilka dhibishaxanaya ee Farmaajo la yidhaa mise Hogaamiye cashar u dhigi kara?,Jawaabta idinka ayaan idiin daayay.
W/Q Maxamed Dahir Axmed