Dawlada Dhexe ee Somaliland waxay ku guul daraystay inay la shaqayso oo ay gacanta ku hayso Dawladaha Hoose ee dalka oo ah udub dhexaadka adeeg bixinta ee shacabka. Inta badan xubnihii loo doortay Goleyaasha Deegaanka ee sanadkii 2012 waxay ahaayeen dad intooda badan suuqa ka yimid ama ganacsato yaryar ahaa oo aan lahayn aqoon jaamacadeed oo ku filan, taasina waxay keentay inay ku guul daraystaan inay wax horumar ah ka sameeyaan magaalooyinkii loo doortay balse taas badelkeeda ay burbur iyo nidaam daro uun soo kordhiyeen.
Sidaan la socono xukumada dhexe waxay masuul ka tahay inay istaraatijiyad cad u samayso shaqada ay qabanayaan Goleyaasha Deegaanka ee dalku balse xukumadu way ku guul daraysatay arinkan, waxayna u muuqataa inay xukumada dhexe u aqoonsan tahay Dawladaha Hoose wax iyaga ka madaxbanaan taasina waxa kuu cadaynaysa sida aanay u jirin wax wada shaqayn muuqata ah oo ka dhaxaysa Dawladaha Hoose iyo Wasaaradihii uga masuulka ahaa dawlada dhexe inay ku ilaaliyaan Dawladaha Hoose Qorshaheyaasha Horumarineed ee Dalka madaama Dawladaha hoose ay udub dhexaad u yihiin dhamaan horumarinta dalka guud ahaan, halka ay tahay inay xukumada dhexana ay la timaado la xisaabtan iyo qiimayn joogta ah oo ay ku samaynayso shaqooyinka Dawlada Hoose ee dalka. Sida ay wax u socdaan markaad daraasayso, waxa kuu soo baxaysa, inaanu hogaanka sare ee dalku wakhti ku bixin hirgelinta nidaamka wada shaqayneed ee Hay’adaha Dawliga iyo inaan la hirgelin qorshii Qaran ee ay la timid Wasaarada Qorshayntu ee dalka lagu horumarinayay ee soo baxday sanadkii 2010/2011 oo xukumadu malaha u aragtay wax qof soo saaray, waana aragtida inta talada haysaa kolba wixii qaranku sameeyo loo arko wax qof sameeyay ee aan loo arag wax qaranku leeyahay balse kolba kii reer lagu keenaa shaaha uun ku dhex cabo xafiiska loo dhiibo balse wax intaas dhaafsiisan aanu ka qaban shaqadii qaranka ee loo dhiibay, sababta keenaysaana waa isla xisaabtan la’aanta dalka ka jirta.
Tusaale ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud oo ay shaqadoodu tahay inay si toosa ula shaqeeyaan Dawladaha Hoose ee Dalka ayaa noqday xarumo loo soo shaqo tago oo mushaharka uun lagu sugo, miisaaniyadoodana la iska mashruucsado balse aan inta badan dan umadeed lagaga shaqayn, sababta aan sidaas u leeyahay waxay tahay, Wasaarada Arrimaha Guduhu waa wasaarada u qaabilsan la shaqaynta Dawladaha Hoose, waa Wasaarada eeda ugu weyn maanta leh ee ku guul daraysatay la shaqaynta iyo la xisaabtanka Goleyaasha Deegaanada ee dalka. Waa Wasaarada ay tahay inay dejiso qorshaha horumarinta ee Goleyaasha Deegaanada dalka iyo inay ku daba-joogto shaqadooda si aanay uga baydhin wixii qaranku u igmaday balse Wasaarada Arrimaha Guduhu waa wasaarad ku guul daraysatay arinkan oo ay tahay in iyada loo xambaariyo dhibaatada iyo maamul xumada guud ahaan ay ku kaceen Goleyaasha Deegaanka ee shacabku ka qaylinayaan. Dhinaca kale Wasaarada Hawlaha Guud oo dalka u qaabilsan horumarinta wadooyinka iyo nidaamka guryaynta dalka ayaa noqotay Wasaarad fadhiida oo aan garanayn shaqadii qaranku u igmaday, waa wasaarada u taaqana inay ka shaqayso Wadada Ceerigaabo balse aanay masuuliyiinteedu ilaa imika garanayn shaqada rasmiga ah ee loo igmaday. Waa wasaarad laf dhabar u ah dalka siiba dhinaca horumarinta Wadooyinka Dalka Guud ahaan iyo dejinta nidaamka guryaynta ee dalka oo dhan. Tusaale ahaan qorshaynta wadooyinka caasimadu yeelanayso iyo naqshadayntooda iyo siiba dhulka maanta caasimadu ku fidayso oo maanta noqday dhulka ugu wadada xun ee masuuliyiinta Golaha deegaanku ay maalinba wado iibiyaan ee hadaad sanad ka dib soo marto aad arkayso wado dhan oo la jaray oo la baloodheeyay. Meesha waxa ka maqan shaqadii Wasaarada Hawlaha Guud ee ahayd inay ilaaliso naqshada nidaamka Wadooyinka oo ay la socoto, iyo in cidii iibisa ay la xisaabtanto balse maanta Wasaaradani waa mid fadhiida oo aan garanayn shaqadeedii ahayd inay Dawladaha Hoose u samayso qorshihii dhismaha wadooyinka iyo Guryaynta Dalka si uu u noqdo nidaam la raaco si aan u helno magaalooyin muqaal fiican leh, bad qabkooduna fiican yahay.
Hargeysa oo ah muunadii dalka sida ay u eegtahay muwaadin kasta ayaa ka niyad jabsan, meel kasta qashin ayaa buuxa, dhulkii danta guud marka maanta beerta laga jaro ayaa halkaas lagu iibiyaa, dawladii dhexe ee sharciga la tiigsan lahayd xildhibaanada dawladaha hoose ee danta guud ibiinaya dalkeena kama jirto, wadooyinkii hore ee magaalada in badan oo ka mida waa la jaray oo joomitarada ayaaba dadka ka iibiya una sharciyeeya, cid ka ilaalinaysaana ma jirto oo waxay arkayaan xildhibaanadii Golaha Deegaanka oo dhulkii danta guud sida waraabe xoola helay cunaya, iyaguna wiixi wado ahayd ayay maalinba guriga u dhaw ee la dhisayo ka iibinayaan.
Hargeysa waxay noqotay reer ba’aw yaa ku leh. Arrimahani waxay niyad jab ku abuureen shacabkeenii qaaliga ahaa ee dalkooda dhisanayay madaama aanay dalka ka jirin isla xisaabtan iyo kala danbayn ku dhisan dawladnimo. Maanta Hargeisa dadka ku nool 80% biyo ma helaan, silic iyo saxariir ayay ku nool yihiin iyo inay booyado ka shubtaan oo foostadii ay ka qaalisan tahay in badan oo dadka ka mid ah quudka ay maalintii helaan. Xukumada maanta jirtaa biyo ayay u balan qaaday dadka Caasimada ku nool inay ku helayaan sanado kooban oo qof kastaa heli doono biyo ku filan, way beenawday oo maanta wax buuran oo la arkayaa ma jirto oo aan ka ahayn in la badelayo beebabkii hore ee Geed-Deeble oo aanay jirin biyo balaadhin waxtar leh oo wada gaadhaysa Caasimada Hargeisa. Xukumadu dhinaca kale biyihii Xumba weyne ee ay ahayd inay ku dadaasho oo ay dhiiri-geliso, una fududayso muwaadinkii reer emaaraat ee inoogu tabarucay inuu biyo gelin ku sameeyo Hargeysa kamay hawl-gelin oo lamay shaqayn. Hadii ay arinkaas ku dadaali lahayd oo mashruuca la siin lahaa Shirkadaha Chine ah, mudo yar ayay ku dhamaystiri lahaayeen mashruucaas balse xukumadu dan iyo muraad kamay gelin arinkan sida muuqata, wayna ku ceebaysantahay.
Hargeysa waxay ku danbaysay magaalo cashuurta umada lagaga urursado waxna aan loogu qaban.
Allow Dalka iyo Dadkaba noo hagaaji
Yuusuf Wacays